20/05/2013 00:29:00:-Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam oo maanta dalka dib ugu soo laabatay ayaa ka hadashay socdaalkii ay ku joogtay muddooyinkan Magaalada Nairobi kadib ka qeybgalkeedii Shirkii Caalamiga ah ee ku qabsoomay Magaalada London 7-dii May , kuna saabsanaa Taageeridda hey’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya .
19/05/2013 16:57:00:-Xafladii sanadguurada 18ka May ee lagu qabtay magalaada Denhaag ayaa xalay ku dhamaatay dagaal gacan ka hadal ah, iyadoo tiro dad ah xabsiga la dhigay, islamarkaana dagaalkaan la isku adeegsaday tooreeyo sida la sheegay.
19/05/2013 12:28:00:-Xildibaano ka tirsan baarlamaanka Somaliya ayaa u gacan haatinaya in laga yaabo in ra`isul wasaaraha Somaliya uu wajaho codeyn ah in kalsoonida lagala noqdo todobaadka dambe , iyadoo dadka taageersan codeyntaas tilmaameen in ay ka niyad jabsan yihiin heerka dib u hishiisiinta siyaasada dalka .
19/05/2013 16:43:00:-Gudaha jeelka magaalada Boosaaso xaruta gobolka Bari waxaa maanta lagu maxmadadeeyay kooxo dhowaan lagu soo qabtay iyagoo jariif ku haya Bada Puntland oo ah ajaaniib u dhalatay dalka Iiraan iyo Soomaali kale oo iyagu ilaalo u ahaa.
19/05/2013 12:11:00:-Sargaal ka tirsan ciidama Booliiska Magaalada Wajeer ee dalka Kenya ayaa xalay kooxa hubaysan waxa ay ku dileen toogasho xili uu ku socday Gurigiisa kuwaasoo marka dilka gaystayna baxsaday mana jirto cid loo soo qabaty .
19/05/2013 11:57:00:-Ciidamda dowlada Somaliya ayaa bandow habenkii ah ku soo rogay magaalada Jowhar ee gobolka shabeelada dhexe si amaanka loo adkeeyo.
19/05/2013 11:48:00:-Sida ay shaaciyeen saraakiisha saadaasha hawada ee dalkaas South Africa waxa ay sanad waliba ay wax yeeleeysaa biriqda dad gaaraya boqalaal qof .
18/05/2013 14:09:00:-Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka hadlay arrimaha ka taagan Jubooyinka iyo maamulka Somaliland oo maanta u dabaal degeyso sanad-guuradii 22aad ee ka soo wareegatay markii ay ku dhawaaqeen in gooni isaga taageen Soomaaliya inteeda kale.
18/05/2013 11:22:00:-Sida saxaafadda ay hadal hayso waxaa lagu dhaggan yahay duqa caasimadda dalka Canada ee Tronto Rob Ford kaas oo lagu eedeynayo in uu daroogo xashiis cabay.