Manchester United 00 3-2 uga adkaatay Man.City (Sawiro)
(Calanka.com) - Posted at 10/12/2012
By Mustafa
Kooxda Manchester United ayaa 3-2 kaga adkaatay kooxda ay isku magaalada kasoo jeedaan ee Manchester City oo ay ugu martiday garoonkeeda.


Cayaar adag oo labadani kooxood ku dhexmartay garoonka Al-Etihad ee magaalada Manchester ayaa waxa ay guusha raacday kooxda Man.United oo ku badisay 3-2.

Kooxda martida loo ahaa ee Manchester City ayaa looga naxsaday gool daqiiqadii 16-aad, marki Rooney uu shabaqa ku hubsaday kubad uu ka helay Ashley Youn, waxaana daqiiqado kadib dhaawac soo gaaray kabtanka kooxda Man.City Kompany, kasoo ka baxay garoonka islamarkaana lagu badalay daafacadoda dhexe ee Kolo Habib Toure.

Double up: Rooney strikes the second goal to increase United's lead

Kooxda Manchester City oo inta badan ku sareysay kubad heysashada ayaa markale laga dhaliyay goolki labaad marki Rooney uu shabaqa ku hubsaday kubad baas qurxoon oo uu ka helay daafaca reer Brazil ee Rafael De Silva daqiiqadii 29-aad, iyado nuski saaca ee hore lagu kala nastay 2-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Martida ahayd ee Manchester United.

Yaya Toure ayaa cayaarta dib usoo nooleeyay, marki uu kooxdisa Man.City u dhaliyay gool daqiiqadii 60-aad ee qaybti danbe ee cayaarta, waxaana uu ka faa’iideystay kubad dhowr jeer laga soo celiyay goolka Man.United, marki uu Tevez ka helay baas qibradeysan.

Premature: Pablo Zabaleta's strike seemed to have earned City a draw

Zabaleta ayaa goolka bareejada ah u dhaliyay kooxda Manchester City daqiiqadii 86-aad ee dhamaadki cayaarta, iyadoo kooxda City ay ku guuldarreysatay inay difaacdaan goolka bareejada ah, waxaana Manchester United markale hogaanka u qabtay islanarkaana guul muhiim ah gaarsiiyay weeraryahanka ay xagaagan kasoo iibsadeen Arsenal ee Roben Van Persie, marki uu dhaliyay laad xor ah daqiiqadi 2-aad ee afarta daqiiqado ee dheeriga ahayd ee lagu daray cayaarta.

Kooxda Manchester City ayaana muddo laba sano ah looga badin garoonkeeda Al-Etixaad ee magaalada Manchester, waxaana kooxda Manchester United ay haatan hogaanka horyaalka Premier League-ga dhigeeda City kaga heysaa 6 dhibcood oo nadiiaf ah.

Mustafa Xasan Cali

Calanka Sports Team

Fine start: Rooney celebrates with his team-mates after getting the derby off to a cracking beginning

Swap: City skipper Vincent Kompany had to be withdrawn for Kolo Toure

Disappointment: David Silva found it hard to make an impact in the first half

Battle of wits: Mancini and Sir Alex Ferguson were both chasing the points

Watching on: England boss Roy Hodgson and Stuart Pearce were in attendance

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

 

 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

Calanka TV @ 2013