Waayaha cusub oo bandhig faneed weyn ku qabtay magaalada Nairobi (Sawiro)
(Calanka.com) - Posted at 11/12/2012
By Mustafa
Kwani litfest oo ah Urur ay ku bahoobeen qorayaasha ayaa waxaa ay Xaafada Islii ee magaalada Nairobi ku qabteen Barnaamij ay sanadkiiba mar qabtaan, kaasi oo ay ka soo qeeb galaan dad aad u fara badan.


Barnaamijkan oo maanta si rasmi ah uga furmay xaafada islii ee Magalaada Nairobi ayaa intii uu socanayay waxaa heeso iyo wacyi gelin laga wacyi galinaya halista argagaxisada leedahay ku soo bandhigay dhalinta waayaha cusub oo beryahaanba halkaasi ka waday barnaamijyo ay ku wacyi galinayaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waxa uu barnaamijkan socon doono mudo shan maalmood ah oo lagu soo bandhigi doono wax qabadka Ururka "kwani litfest" iyo wax yaabihi sanadkan ugu tala galeen bulshada Soomaaliyeed.

Shanta maalmood ee uu socon doono barnaamijkan ayaa waxaa ka soo qeeb galaya warsan shire oo ah gabar Soomaaliyeed ,oo ku tirisa gabayada luuqada ingariiska, iyadoo warsan ay maalinta berito ah ka qeeb geli doonta barnaamijkaasi ay soo qaban qaabiyeen kwani litfest.

Sidoo kale waxaa ka soo qeeb galaya maalmaha uu socanayo barnaamijka Abwaanka weyn ee hadwaari oo lagu wado in maalinta jimcada ah dadka su,aalo ku waydiin doonan halka uu ka socanayo barnaamijkaasi oo ah hoolka Carmal wadadda kow iyo tobanaad ee xaafada Islii magaalada Nairobi.

 

Nuur Ismail Sheikh

nuur.usa@hotmail.com

Nairobi Kenya

Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

Calanka TV @ 2013