Dawladda Itoobiya oo taageertay haw-galka ciidamda Kenya ka wadaan ggudaha Soomaaliya
(Calanka.com) - Posted at 11/12/2012
By Saadaq
Wareysi dhinacyo badan oo dhawaan uu la yeeshay TV-ga Al-jazeera ayaa Ra'isalwasaare Hailemariam Desalegn,waxaa uu kaga hadlay arimo badan oo la xiriira somaliya iyo Eritaria iyo aragtida dawladiisa ay ka heysto labadan wadan oo Dalka itoobiya ay kala dhexeyaan arimo kala duwan.


Ugu horeyn Hailemariam Desalegn ayaa soo qaaday xaalada soomaaliya oo sheegay in haatan ay mareyso meel wanaagsan dawladiisana taageero la garab taagan tahay,waxaana uu sidoo kale dib ugu celiyay in ciidamdad dawlada itoobiya ee ku sugan qaybo ka mid ah dalka soomaaliya sii joogi doonaan sifo ay u caawiyaan dawlada soomaliya.
 
Arimaha Jubooyinka mar uu ka hadlay waxaa uu sheegay mudane Hailemariam Desalegn in arimaha Jubooyinka yihiin kuwo ay ka go'an tahay dawlada soomaaliya iyo dadka dagan gobolkaasi sidii loo soo dhisi lahaa maamul uu yeesheen gobolada jubooyinka,waxaana uu ku booriyay dadka deegaanka in ay xooga saaran sidii ay iyagu maamul ay ku kalsoon yihiin u sameysan lahaayen.
 
"Anagu ma qabno in dawlada Kenya qayb ka tahay maamul u sameynta jubooyinka,Kenya waxaad ogtahay in ay ka mid ah IGAD waxaana ay soomaaliya u soo gashay in ay ka hortagto qatar ku soo socotay"ayuu yiri Hailemariam Desalegn.
 
Sidoo kale waxa uu sheegay Ra'iisulwasaraha itoobiya Hailemariam Desalegn in wadamada gobolka xaq u leeyihiin ay difaacaan amaankooda sifo looga hortago dhibaato ku soo fido gobolkooda,waxaana uu ku difaacay kenya in ay ku sii jiri karto intii loo baahdo Dalka soomaaliya.
 
Dhinaca kalen waxaa uu soo hadal qaaday Hailemariam Desalegn shir la qaban-qaabanayo oo dhexmara dawlada itoobiya iyo Eritaria kaaso aan wali la qorsheen halka uu ka dhacayo,waxaana uu sheegay in dagaal muddo badan socday ka dib dawladiisa ay isku diyaarineyso in ay wax ka badsho arimaha xiriirka Eritaria.
 
"dawlada aan madaxda ka ahay waxaa ay soo dhaweyneysaa wadahadal dhermaray labada wadan oo Dari ah,waxaana rajeynaya in la soo afjaro colaada 22-sano labada wadan dhextaala sidaasna waxaan u cadeynaya Isaias Afewerki madaxwenyaha Eritaria"ayuu hadalkiisa ku yiri Mudane Hailemariam Desalegn.
 
Ugu danbeytiina dawlada itoobiya ayaa sameyn buuxda ku leh wadamada geeska,waxana jira isbadal haatan uu ku baaqayo Ra'iisulwasaraha dalka itoobiya oo muddo kooban xilka haya,ka dib markii uu dhintay ra'iisulwaarihii hore  Males Zanawi,madaxani cusub ayaa soo dhaweyay in la meel maro qorshe lagu dajiniyo xiisada Itoobiya kala dhexeysa wadamo badan oo geeska africa ah.
 
Mohamed Abdirashiid
Calanka.com-Nairobi
 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

Calanka TV @ 2013