Kenya oo dib u celineysa soomaalida ku dhaqan dalkeeda
(Calanka.com) - Posted at 11/12/2012
By Saadaq
Ka dib markii maal-mihi u danbeyay ay soconeyeen raaf lagu hayo dadka soomaalida ee ku dhaqan xaafada islii ee magalada nairobi ayaa haatan waxaa isa soo taraya warar dheeraad ah oo sheegaya in qaar badan oo dadkii la qabtay ah dib loogu celin doono dalka soomaaliya.


Ra'iisulwasaaraha dalka kenya Raila Odinga ayaa waxaa uu sheegay in amaanka guud ee caasimada la adkeyn doono si looga hortago rabshado iyo falal argagaxiso oo ka dhaca magaalada nairobi inta lagu jiro arimaha doorashooyinka ee dhawaan bilaaban doono.
 
Odinga ayaa waxaa uu warbaahinta gudaaha u sheegay in ciidamda amaanka magalada nairobi oo baaritaan ku haya dadkii ka danbeyay qaraxii lagu qaarajin lahaa Xildhibaanka xaafada kamagunji yusuf xasan,ay haatan wadaan baaritaano xoogan oo xaafada lagu baadhayo waxaana uu qiray in ay jiraan dad farabadan oo wax sharci ah aan ku lahayn dalka kenya oo dawlada gacanta ku soo dhigtay.
 
"dadka la qabtay maalmihii u danbeyay waxaan dib ugu celin doonaa soomaaliya oo haatan nabad noqotay"ayuu hadalkiisa ku yiri odinga waxaana uu rajo ka muujiyay in soomaalida islii ku dhaqan ee sharciga aan lahayn ay ku raali noqdaan in dib loo celiyo isagoona qiray in amaanka guud ee gobolada dalka qaarkood aad u wanaagsan yahay.
 
Waxaa uu qiray in ciidamda Kenya iyo kuwa amisom ay ku guuleysteen amaanka guud ee gobolada ay haatan ku sugan yihiin soomaalidada looga baahan yahay in ay dalkooda ku noqdaan,isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay in dadka la celinayo ay la qabsan doonaan xaalada Goboladii ay horay ugu noolaayen oo haatan nabad ah.
 
Ugu danbeyntiina dawlada kenya ayaa waxaa ay ka walaacasan tahay xaalada qaybo badan oo wadanka ah gaar ahaa meelaha ay soomaalida ku badan oo ay ugu horeyso xaafada islii iyo sidoo kale degmada gaarisa oo dhawaanahan ay ka dhacayeen falal amaanka wax u dhimaya waxaana dawlada kenya ay door-biday in dib loo celiyo dadka soomaalida ee dalkeeda ku soo qaxay.
 
Mohamed Abdirashiid
Calanka.com-Nairobi
 
 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

Calanka TV @ 2013