Ciidamada la dagaalanka bur-cad badeedda Puntland oo howl galo ka bilaabay gobolka Mudug
(Calanka.com) - Posted at 11/12/2012
By jabra
Ciidamada ladagaalanka kooxaha bur-cad badeeda puntland ayaa waxa ay howl-galo ay ka bilaabeen deegano ay kamid yihiin garacad oo katirsan gobolka mudug


Ciidanka ladagaalanka bur-cad badeeda maamulka puntland ayaa waxa ay howlgalo ay ku soo qaqabanayaan kooxaha bur-cad badeeda ah ee kudhuumalaysanaya qaar kamid ah deegano hoostaga mudug ay kasameeyen deeganka garacad ee gobolkaasi .

waxaa jira warar sheegaya in iskudhac aan la ogayn khasaaraha kadhashay uu dhex maray koox bur-cad badeed ah iyo waliba ciidanka ladagaalanka kooxaha bur-cad badeeda ah ee maamulka puntland .

Saraakiisha Ciidanka hogaaminaysa ayaa isla shaley la kulmey Waxgaradka  deegaanka, iyagoo kala hadley sidii ay ugu fududeyn lahaayeen Ciidanka inay gacanta ku soo dhigaan bur-cad badeedasi ku dhuumalaysanaya qaar kamid ah deegano katirsan gobolka mudug .

Sikastaba hanoqote howl-galkaan aya ah mid aysan shaacin saraakisha hor-kacaya ciidanka ladagalaanka bur-cad badeeda maamulka puntland  wakhtiga uu dhamaanayo  .

Maxamed Xirsi Cabdi (Jabra)

jabra444@gmail.com

calanka.com/Puntland

 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

Calanka TV @ 2013