Fanaaniin lagu soo dhaweyay magaalada Muqdisho(Sawirro)
(Calanka.com) - Posted at 11/12/2012
By Saadaq
Magalada muqdisho waxaa maanta lagu soo dhaweyay fanaaniin soomaaliyeed oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Adan cade,waxaana soo dhaweynta ka qaybqaatay maamulka gobolka baandir.


Fanaaniinta maanta ka soo dagay xamar waxaa ka mid ah Khaalid shariif (King khalid) musikiste Xasan cujeer iyo C/xakiin Farayare,dad farabadan oo iskugu soo baxay garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ay wateen boorar ay ku soo dhaweynayeen fanaanintan.
King khalid oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in ay haboon tahay in fanaanta maqan in ay dalkooda yimaadan si ay ugala qaybqaataan shacabka soomaaliyeed horumarinta wadankooda,isagoona amaan u jeediyay fanaanin hore oo dalka iyo sidii ay uga qaybqaateen horumarinta dalkooda.
Maamulka gobolka banaadir xubno ka socda ayaa booqashadan ku tilmaamay mid taariikhi ah waxaana ay sheegen in fanaaniintan kala qaybqaadan doonaan sidii loo wacyigalin lahaa shacabka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa caasimada Muqdisho oo  maalmahan ay ku sugnaan doonan.
 
Mohamed Abdirashiid
Calanka.com-Nairobi
 
 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda





 


 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

Calanka TV @ 2013