Booliska dalka Kenya oo saddex qof ku dilay Mombasa (Sawirro)
(Calanka.com) - Posted at 11/12/2012
By Admin
Ciidamada booliiska Kenya ayaa toogasho ku dilay saddex qof oo looga shakiyay inay ka tirsanaayeen koox mintid ah, waxaana ay xireen toban kale magaaada xeebta ku taal ee Mombasa.


Afhayeen u hdalay booliiska oo lagu magacaabo Aggrey Adoli ayaa sheegay in saddexda nin ay xiriir la leeyihiin koox lagu magacaabo Golaha Jamhuuriga Mombasa (MRC), kooxdaasi oo ku baaqday in gobolka xeebta ah ee Mombasa uu ka go'o dalka Kenya intiisa kale.

Masuuliyiinta dalka Kenya ayaa waxa ay xireen inta badan hoggaamiyayaashii kooxda bishii Oktoobar,

Magaalada Mombasa ayaa waxa bilihii ugu dambeeyay saameeyay rabshado, iyadoo ay jirto cabsi sii kordheysa oo la xiriirta degenaansho la'aanta siyaasadeed ka hor doorashooyinka lagu wado in dalka ay ka dhacaan bisha Maarso ee soo socota.

 
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda

DHIIBO FIKIRKAAGA


 


 

 

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka

 
Foto: calanka
CalankaMedia

.