Warkani waxaa saxaafada u sheegay gudoomiyaha degmada Gaarisa Maxamed Macalin oo warbaahinta u xaqiijiyay in ay haatan hayaan dadkii hubka watay qayb ahaan,Tirada dadka hubka watay ayaa lagu sheegay in ay dhamaayeen 10-ruux waxaana goobta ka baxsaday 4-ruux.
Mudane Maxmed maclin ayaa intaasi raaciyay in dadkani oo ka soo kicitimay xiryaha qaxootiga Dhadhaab lagu qabtay degmada Lagdheera oo ka tirsan gobolka w/bari ee dalka kenya,ciidamda amaanka ayuu sheegay in ay haatan baaritaan ku hayaan cida masuulka ka ah hubkan iyo meesha uu ku socday.
"Hubkani waxaa la doonayay in dhibaato loogu geysto dadka reer gaarisa,waxana lagu qabtay hawlgal balaaran oo ciidamada maalmahan ay xuduuda ka wadeen", ayuu yiri mudane Maxmed Macalin.
Dadka la qabtay ayaa waxaa su'aalo lagu weydinaya xeryaha dhadhaab,ciidamda ayaa waxaa ay sheegen dhincooda in ay jiraan raadad kale oo sheegaya in ay jiraan koox shabakad ah oo hawshan gacanta kula jirtay.
Hawlagaladan ayaa ku soo beegmaya xili magalada Nairobi,gaar ahaan xaafada Islii laga xiray dad soomali ah oo gaaraya 600-ruux kuwaasi oo la sheegay in la baarayo sifo loo helo in ay ku lug leeyihiin falal amaan daro oo ka dhacay magalada Nairobi.
Guud ahaan dalka kenya ayaa maanta laga xusaya maalinta xoriyada dalkan oo ku beegan 12-decembar sanad walba waxaana la adkeeyay amaanka guud ee magalada,iyadoona la arkayo maanta diyaarado noocyo badan oo ku damaashadaya hawada magalada Nairobi.
Mohamed Abdirashiid
Calanka.com-Nairobi
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|