Madaxweyanaha Mareykana Barack Obama oo la hadlayay talefishin mareykanka laga leeyahay ayaa waxaa uu sheegay in dawladiisa aqoosatay Kooxaha mucaaradka dalka suuriya,loogana baahan yahay in ay isku duubnaadan sifo ay meesha uga saaran maamulka hada xilka haya.
Obama ayaa intaasi raaciyay in kooxaha ku kacsan dawlada suuriya ay ilaaliyaan arimaha bini'aadanimada,isla markaasina furaan goobaha la marsiinayo gargaarka bini'aadanimada ee ku socota dadka wadanka suuriya oo xaalad xun heysato.
Shir ka dhacay dalka Qatar ayaa kooxaha mucaaradka dalka suuriya waxaa ay ku sameysteen isbaheysi mucaarad ah oo lagu ridiyo maamulka hada xilka dalka haya ee bishaar Al-asad madaxda ka yahay.
Wadamo kala duwan ayaa waxaa ay horey u aqoosadeen mucaaradka dalka suuriya,waxaana ugu horeyay wadamo Carbeed,Midowga yurub iyo Mareykanka oo haatan ku dhawaaqay aqoonsiga Mucaaradka suuriya.
Mohamed Abdirashiid
Calanka.com-Nairobi
Source:BBCNews
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|