Waxaa ka mid ah wafdigan xildhibaano ka tirsan baarlamanka jamhuuriyadda Jabuuti.
Waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay dhigiisa dalka Soomaaliya Prof Jawaari, xildhibaano, saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo dadweyne kale.
Shir jaraa’id ayay labada gudoomiye si wadajir ah ugu qabteen garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.
Afhayeenka baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ugu horey la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in imaashaha afhayeenka baarlamanka Jabuuti uu yahay mid xoojinaya xiriirka ka dhaxeeya labada dal isagoona carabka ku dhuftay in uu yahay guddoomiyihii ugu horeeyay oo ka socda dalalka afrika ee yimaada Muqdisho.
Sidoo kale afhayeenka baarlamanka dalka Jabuuti Idiris Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa tibaaxay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu yimaado magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiinta ka socota dowladda Jabuuti ayaa haatan kulan kula leh Hotelka Siti Balaasa ee magaalada Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyadoona lagu wado in ay ka qeyb galeen kulanka baarlamanka Soomaaliya ee ka socda xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
|