Wasaaradda garsoorka oo tababar u soo xirtay shaqaale ka howlgala wasaaradaasi (Sawirro)
(Calanka.com) - Posted at 12/12/2012
By Admin
Ku dhawaad 100- shaqaale oo ka howl-gala wasaaradda garsoonrka dowladda federalka Soomaaliya ayaa maanta tabaro loogu soo xiray caasimadda Muqdisho.
Munaasabaddan oo ay ka qeyb-galeen wasiirka cadaaladda C/laahi Abyan Nuur iyo madaxda sare ee maxkamadda sare oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha maxkamadda sare Ceydiid C/laahi Ilkaxanaf ayaa waxaa ay ka jeediyeen khudbado isugu jira codsi iyo dhiirigelin shaqaalaha tababarka loo soo xiray.
Waxaa ay ka codsadeen dowladaha gacanta ku haya burcad-badeeda soomaalida in ay usoo gacan-geliyaan dowladda Soomaaliya si loogu maxkamadeeda dalkooda.
Gud. maxkamadda sare Abuukaate Ceydiid Ilkaxanaf ayaa sheegay in la bilaabay in gudaha dalka loo soo wareejiyo kooxaha burcad-badeeda, iyadoona dhawaan maamulada Somaliland iyo Puntland la geeyay qaar ka mid ah.
Tababarkan ayaa mudo hal sano ah socday, waxaana hadafkiisu ahaa sidii kor loogu qaadil ahaa aqoonta garsoorka dalka.
Hay `adda UNDP ee Qaramada Midoobay ayaa looga mahadceliyay gacantii ay ka geysatay tababarkan.