Gaari god dhisme ka socdo galay Muqdisho, 2-dhimatay (sawirro)
(Calanka.com) - Posted at 12/12/2012
By Admin
Gaari nooca raaxada ah oo xowdli ku socda ayaa galay goob ay dhisme ka socoto kaas oo ku taal nawaaxiga isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.
Shilkan ayaa waxaa ku dhintay laba ruux oo mid ka mid ah ahaa nin saarnaa gaariga shilka galay, iyadoo ruuxa kalena ahaa nin dhismaha ka shaqeynayay.
Darawalkii gaariga ayaa isagu dhaawac ka soo gaaray shilkan gaariga, waxaana loola cararay cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Shilalka gaari ayaa mudooyinkan dambe ku soo badanaya caasimadda Muqdisho, waxaana darawalada gaadiidku u wadaan si ka baxsan habka ama cabirka loogu talo galay in magaalooyinka loogu socda.