Hay`adda Xanaano oo kulan warbixineed ku qabatay Oslo, Norway (Sawirro/Video)
(Calanka.com) - Posted at 24/12/2012
By Admin
Hay`adda Xanaano ee xanaaneysa Agoonta ayaa shalay galab kulan warbixin ah ku qabatay caasimadda dalka Norway ee Oslo.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay culumo waaweyn oo ay ka mid yihiin Sh. Mustafa Xaaji Ismaaciil, Dr. Axmed Daahir Aweys iyo dadweyne isugu jira rag iyo dumar.
Hadafka kulankan oo ahaa mid madaxda hay`adda Xanaano warbixin ku siineyayeen kasoo qeyb-galayaasha halka ay u marayaan howleheeda daryeelka Agoonta, iyagoona soo bandhigay aflaam iyo sawiro ka tarjumaya waxqabadkooda.
DAAWO FILMKA:
Hay`adda Xanaano waxa ay dhisan tahay mudo shan sano ah, waxaana ay gacanta ku haysaa agoon kor u dhaafeysa 100, iyadoona mudooyinka soo socda tiradaasi kor ugu qaadayaan ilaa iyo 400.
Xanaano waxa ay iminka qorsheyneysaa dhisidda dhul weyn oo lagu xanaaneyso caruurta oo ka kooban guro laba dabaq ah, waxaana iminka ay hay`addu iibisay dhulka oo ay dhismihiisu dhawaan rajeyneyso in ay bilowdo.
Culamada kulanka ka hadashay ayaa ugu baaqay in dadweynaha Soomaaliyeed in ay gacan siiyaan hay`adda Xanaano si ay howleheeda u sii dar-dar gelio.