TAARIIKHDA CALANKENA
Hees:Halgankii
Gobannimada:Waaberi
WALLE
Ama CALAN JIRA OO CAAN AH BAAD AHAAN OO LAGU CAWAANASAYEEY
AMA CALAL MARYO AH LA CAYN AH BAAD AHAAN OO CIIRSI WAYDAYEEY
CIRKOO AAN CAAD
LAHAYNOOW ALLE LA CUSKAYEEYY
Halka
ka Dhegayso gabaygii Cabdullahi Suldaan Timacadde uu ka tiriyey Munaasabaddii
calan saarka ee 26 Juun 1960kii
Calanka
Soomaaliyeed waxaa markii ugu horreysay Taariikhda la saaray 12kii Oktoobar 1954tii
isaga oo ka dhex babaday calamadii Talyaaniga iyo Jamciyadda Qaruumaha ka dhexaysa.Calanka
Somaliya waxaa Allifay Allah ha u Naxariistee halgame Maxamad Cawaale Liibaan
Dadka Soomalida ah waxaa lagu tilmaami
jiray taariikhda in aay yihiin sinji keenadiid ah oo aan u nuglayn duudsiga shisheeye
,waxaayna iska caabiyeen gumeeystayaasha reer Yurub oo uu ugu soo horreeyey Burtuqiisku
muddo qarni ka badan .Geesiyaal badan ayaa naftoodii qaaliga ahayd u huray dhiigoodiina
u daadshay difaaca dalka hooyo ,hasayeeshe nasiib darro af-qoran ma lahayn taas
oo keentay in halyeeyadaas magacyadoodii aan qaar badan oo kamid ah la diiwaangalin
,hasayeeshe ummaddu illoobimayso ciddii usoo halgantay camuuduna ma diimoona ciddii
dhibic dhiig ah u qubtay.
Marka laga hadlaayo halganka Soomaaliyeed waxaa ugu
caansanaa ,halgamadii uu ugu horreeyey kii Axmad Garaad Ibraahim "Axmad Guray
"oo bilowday 1528 dhammaadayna 1543.
Axmad Gureey waxaa usuuro gashay
in uu jabiyo aabigii boqortooyadii Xabashida uuna gacanta ku dhigo Xaruntoodii
Axum Xabashidu waxaay ka fursanwayday in aay u yeerato ciidamo shisheeye oo daafaca
.
Halganki Axmad Guray waxaa ku xigay kii daraawiishta oo uu hogaaminayey halyeeygii
Sayid Maxamad Cabdulle Xassan ,waxaana daraawiishtu sutida u haysay ingiriisak
muddo ka badan labaatan sano.Markii Ciidamadii badda iyo kuwii berriguba ka huleeleen
darawiishta waxaa Ingiriisku goáan ku gaaray sanadkii 1919kii in uu xagga
cirka ka weeraro ciidamada Daraawiishta ,qorshahaas oo ingiriisku fuliyey 21kii
jannaayo 1920kii maalintaas oo aay xarumihii Sayidka ee Taleex iyo Jiidali aay
soo weerareen dayuuradihii dagaalka ee Ingiriiska oo noocoodu ahaa DH9 .Sida taariikhdu
qorayso waxaa Sayid Maxamad Cabdille Xassan ku geeriyooday degmada Iimeeyey 23dii
Noofember 1921dii.
Tix Kamid ah Gabayadii Guubaabaad ee Saydka
Anaa
diiday dagal in aan la galo daalin ii col ahe
Dalka malihid anigaa ku iri dooraweeynaha
eh
Anaa diiday nabaddiisa aan daacad noqonayne
Anaa diiday Deeqdiida aay
Naari dabataale
Anaa diiday maantuu laha duunyo iga hooye
markay duusho
Gaaladu anaan daabaddu qabane
Kolka aay dareeraan anaan duul xammaal noqone
Diintayda
anigaan ku gaadn dabakhi Naareede
Anaan labada Daarood tan hore darajo moodayne
Sayidku
Wuxuu ka tagay Dardaarankaan:
Dabin buu idiin
qolayaa waydin dagayaaye
Dirhamkuu idiin qubahayaad dib u goáaysaane
marka
hore dabkuu idinka dhigin dumar sidiisiiye
Marka xigana dabbakhaada waa idin
dareensiine
marka xiga dushuu idin kararin sida dameeraha eh
Marka xiga
dalkuu idin ku oran duunyo dhaafsada eh
Mar haddaan Dushii Adari iyo Iimey
dacal dhaafay
waxaad iga dambaysaanba waa deyrta maanta ahe
maxaad igaga
digataan berribuu siin lasoo degiye
Dagaalkii Siyaasiga ahaa
oo gumaysiga looga soo horjeeday waxaa majaraha u hayey xisbiga SYL oo dhidibada
loo aasay 15kii May 1943 .Xisbigaas baaqa halkudhegga u ahaawaxaa ugu waynaa
ereyga hannoolaato oo micnaheedu ahaa waa in qofku naftiisa u huraa sidii uu aayatiin
iyo nolol sharaf leh ugu abuuri lahaa jiilka ka dambeeya.
Saddex
iyo Tobankaas Dhalinyaro waxaay kala ahaayeen:

1.Yaasiin
Xaaji Cusmaan
2.Cabdulqaadir Sakhaawuddiin
3.Cusmaan Geddi Raage
4.Maxamad
Faarax Hilowle
5.Maxamad Cusmaan
6.Maxamad Xirsi Nuur
7.Daahir Xaaji
Cusmaan
8.Xaaji Maxamad Xusseen
9.Cali Xassan Maslax
10.Maxamad Cabdulle
Xassan
11.Maxamad Cali Nuur
12.Dheere Xaaji Dheere
13.Khaliif Hudda macalin
13 -kaas dhalinyaro fikraddii waddaninmo oo aay keeneen waxaay noqotay mid lagu liibaanay
xaqiijisayna midnimadii iyo wadajirkii ummadda Soomaaliyeed ,waxaana halgankii
SYL mirihiisii la gurtay 1960kii markii 1dii Luulyo aay qarannimada qaadatay
Koonfurta Soomaaliya aayna la midowday waqooyiga Soomaaliya oo iyana ka
xorowday Ingiriiska 26dii Juun 1960kii waxaana dhalatay markii taariikhda
ugu horreysay Jamhuuriyadda Soomaaliya .
SANADGUURO
NASIIB DARAN
Maantay waxaa nasiibdarro ah in qarannimadii iyo midnimadii
loo soo tiil iyo tacab beelay aay farahayaga si hawlyari ah uga baxday ,dalkii
Soomaaliyana uu galay marxlad adag oo aay majaraha u hayaan taliyayaal baas oo
gacmahooda dhiig iyo godobi ku dhabooqantahay kuwaa oo u hagaya soomaaliya booraantii
halaaga iyo aaytiinxumida .Soomaaliya oo ku jirtay dhawr iyo toban sano fawdo
iyo majarahabow ma jirto rajo dhaw oo muuqata iyo talo suuban oo lagu soo celinayo
qarannimadii iyo midnimadii Soomaaliya.Hasa ahaate Somaliya sida aay u Indho
la´dahay uma Alla-laá,lagamana quusan in maalin maalmaha kamid
ah la arko soomaaliya oo ah dawlad madax banaan oo diimooqaraadi ah ,dawlad soo
celisa midnimadii iyo wadajirkii dadka iyo dalka Soomaaliya una horseeda ummadda
xasiloonaan aay dadkeedu ku naaloonayaan .
Qaranka
iyo Xorriyadii la Helay waa la quursadaye
Wax ku qooqay niman aan ogayn qaabka
loo helaye
Qudhooda iyo Maalkaba raggii qiiradaw bixiyey
Waa kaa gidaarada
ku quban qalin jabkoodiiye
( Waxaa tiriyey
Xaaji Aadan Afqalloc)
WQ: Cabdullahi Shiikh Xusseen
"Hantiwadaag"