Naadiga AC-Milan ee horyaalka dalka Talyaaniga ayaa lagu waramay in ay haysato dhibaato maaliyadeed oo aad u xoogan taasi oo ku qasbeysa in ay iska iibiyaan kubad qaabeeyaha reer Brazil Kaka .
Sida laga soo xigtay madax naadiga AC-Milan Adriyano Gelyani waxa ay Milan qarka u saaran tahay in ay danta ku qasabto in ay iibiyaan Kubad sameeye Kaka si looga gudbo dhibaatada maaliyadeed ee la soo darsitay Naadiga .
"Xalka waxa uu ku jiraa in Kaka laga iibiyo R.Madrid", sidaa waxaa yiri madax naadiga AC-Milan.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Milan laacibkaasi dooneyso in kooxda ka dhisan horyaal Spain kaga iibiso aduun lacageed oo gaaraya 55-milyan oo ah lacagta Yuro ah.
Kooxda R.Madrid ayaa ka mid aheyd kooxaha sida weyn u daneeynayay in ayh helaan farsamada kubadeed ee laacibkaasi oo sanadkii 2007-da noqday laacibka ugu fiican .
Daawo Xariiftankan Yar
Cismaan Xasan Cali (Fantastic) ossmanfantastic@hotmail.com
Xafiiska Calanka Ee S/Africa