Wararka Maanta -"Yaa Yiri Maya"

Ka Dhigo www.calanka.com Bogga Hore
Til hovedsiden
calanka
  Heesta Maanta: Waa Adi Daraadaa (Qalinle)


Ronaldo oo ceeb lasoo daristay, xaaskiisana ceyrisay
Cape-Town, S/Afrika (Calanka.com) 30-April-2008


Xidigga Qaranka Brazil Ronaldo ayaa waxa lasoo daristay fadeexad aad u xoogan ka dib markii uu ku lug yeeshay fadeexad aqlaaqeed ah oo uu shukaansaday raag naago isaga soo dhigay maalmo ka hor taasi oo keentay in xaaskiisa ay kala tagaan .

Fadeexadda la soo daristay Ronaldo ayuu sidoo kale ku weynayaa qarashkii uu ka heli jiray shirakada isaga uu xayeysiika u smaeeyo.

Kala taga Xaaskiisii Maria Antonio ayaa yimid ka dib markii todobaadkaani ay soo caan baxday fadeexad ah in sedex nin ay isaga dhigeen dumar Ronalnada uu ku dhacay oo la sheekeystay iyadoo markii dambe ragg noqdeen waxa uu shunkaansanayay .

Shirkadda Nike ee Mareykanka laga leeyahay ee dhanka dharka Sportiga soo saarto ayaa joojineysa xayaysiikiisi uu u sameyn jiray Ronaldo sababa la xariira fadeexada la soo daristay.

Koow iyo Sodonka jirkaani ayaa Hasaawe la dhexmaray sedexdaasi nin ee hablaha isaga dhigay iyadoo ay kula kulmeen dalkiisa Hooyo oo uu dhawaan ku laabtay ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray lugta .

Mid ka mid ah raggii shukaansaday Ronaldo dumarka iska dhigay ayaa Ronaldo ku eedeeyay in uusan siin lacagtii ay ku hishiiyeen isla markaan Ronaldo isticmaalay Daroogo .

Mid kale oo isna ka mid ahaa ragii Ronaldo haweenka isaga dhigay ayaa sawiray soona duubay sheekadii dhexmartay isaga iyo Ronaldo iyadoo qolkii hoteelka shunkaasiga uu ka dhacay uu kireeyay Ronaldo waxa uu ninkaasi soo bandhigay qeybo ka mid ah muuqalakasi oo la soo giliyay Internetka .

Laacibkani reer Brazil una cayaara kooxda AC-Milan ayaa diiday in uu ka hadlo arinta soo shaac baxaday , Balse afhayeen u hadlay laacibka aya gaashaanka u daruuray in laacibka uu isticmaalay wax daroogo ah .

Ronaldo ayaa raggii dumarka isaga dhigay u soo bandhigay in ay qaataan min 300- oo doolar ah ayna fadeexadaasi banaanka soo dhigin balse mid ka mid ah ayaa diiday oo codsaday 30-kun oo doolar .


Cismaan Xasan Cali (Fantastic)
ossmanfantastic@hotmail.com
Xafiiska Calanka Ee S/Africa

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda


La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

web site visitor counters

 Xayeysiis
  Fanka Iyo Suugaanta

Wararkii Hore

Contact webmester Copyright © 2006 calanka.com Qof