
Roy Keane
oo aad udoonaya in uu David Beckham kusoo celiyo dalka Ingriiska
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 03-Oktobar-2007
|
Macalinka naadiga Sunderland Roy keane ayaa waxaa uu balan kuqaaday in uu england dib ugu soo celin doono xidigii hore ee Man united David Beckham.
Jariidada The Mirror ayaa waxaa ay qortay in beckham ay ubanaantahay 6-bilood uu kaga dhaqaaqi karo naadiga uu haatan ucayaaro ee Los Angeles Galaxy.
Xidigii hore ee man united haatana ah macalinka naadiga Sunderland Roy keane ayaa waxaa uu soo bandhigay damiciisa ku aadan sida uu doonayo in beckham uu dib ugu soo celiyo horyaalkii uu magaca uu kuyeeshay ee premer-shipka,waxaana keane intaa kudaray in uu doonayo inta uusan furmin koobka qaramada qaarada yurub uu soo xerigalin doono kabtankii hore ee xulka england D,Beckham.
Cayaaryahankii hore ee naadiga rela Madrid ayaa haatan kusugan isbitaal kuyaala dalka ingiriiska oo aabihii lagu dabiibayo.
Black Cets oo ah kuxigeenka macalinbka naadiga Sunderland ayaa waxaa uu sheegay in uu lakulmi doono Beckham uuna kala hadli ddono sidii uu qayb uga noqonlahaa xidigaha cad cad ee xilli ciyaareedkaani xiran doono maaliyada naadiga kubada cagta ee Sunderland.
“waxaa ay ahaan lahayd farxad wayn haddi aan arki lahaa xidigii hore ee aan isku naadiga ahayn ee beckham aanu macalin unoqdo,waxaana kasoo wada cayaarnay hal garoon waana in aan isku dayaa sidii aan uga dhaadhacsiin lahaa in uu kusoo biro naadiga aan macalinka aan uahay”, ayuu yiri xidigii hore ee naadiga man united haatana ah macalinka naadiga Sunderland.
Ilaa iyo iminka lama oga naadiga uu kubiiri doono xidigaani kuwanaagsan laadadka xorta ah balse sidoo kale waxaa daneenaya macalinkii hore ee xulka England saaxiibo dhowna ay ahaayeen ee Steven McLren uu aad udoonaya in kusoo biiriyo naadiga Manchester city ee haatan macalin uyahay.
C/laahi Xasan Baliil.
Baliilkhan10@Hotmail.Com
Calanka.Com
Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
|
La Xiriir
| |  |
|