Ka Dhigo www.calanka.com Bogga Hore
Til hovedsiden
calanka
  Heesta Maanta: Waa Adi Daraadaa (Qalinle)


Jiil soo koraya oo u baahan gacanta Jaaliyadaha Dibadda
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 27-Sebtember-2007

Iskuul markiisii horeba ey gacan buuxda ka geysteen mid ka mid ah jaaliyada dalka Britain ayaa waxa uu iminka qarka usaaran yahay in uu gabi ahaanba xirmo kadib markii ey iskuulkaasi soo wajahday dhaqaalo xumo iyo daryeel la`aan kaga timid jaaliyadihii awal u taakuleyn jiray islamarkaana ey iminka kusoo dheceen banaan cad.

Iskuulka Gololey oo la furay sanadii 2006 ayaa waxaa dhismihiisa iyo dayactirkiisa gacan weyn ka geystay mid ka mid ah jaaliyadaha UK oo uu wakiil ka yahay ninka lagu magacaabo Abukar Cali Geedi halka dhinaca kuraaseynta iyo qalabka kale ey gacan ka geysteen aqoonyahano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda dhulka iskuuka laga furay oo uu ugu horeyo Maxamed Beerey ,Ustaaad Caraboow ,Ambasadoor Ciise Dheere iyo dadkale oo fara badan iyo dhalinyaro.


Waxa uu ka koobanyahay iskuulkan 4-fasal, 1-xafiis, 4-musuqul iyo barxad lagu feylo ardayda subaxdii walow uusan jirin daar ku wareegsan barxadaas oo ey banaantahay.

Iskuulkan oo galay sanad dugsiyeedkiisii labaad ayaa waxaa ka howlgala macalimiin gaaraya ilaa 5 macalin kuwaasoo inta badan ka tagay magaalada Muqdisho isla markaasna ku shaqeynayay bilaa mushaar muddo sadex bilood ku dhawaad walow ey marmarka qaar ey dabaraan shaaha macalimiinta rag dhalinyaro ah iyo qaar ka mid ah dadka ehelada ah.

Dhalinyarada sida aadka ah ugu dadaasha iskuulkangacantana ku haya iminka oo ah dhalinyaradii u gurmatay masiibadii cudurka shubanbiyoodka ee ka dhacay deegaanka Ceel-Bacad ayaa iminka waxa ey ka codsanayaan jaaliyadda UK in ey sii wadaan balanqaadkii hore ahaa lacagtii uu wakiilkooda soo diri jiray oo iminka la goostay.


Maamulka iyo ragga gacanta ku haya iskuulkan ayaa waxaa ey sidoo kale codsi gacanqabasho u dirayaan dhamaan jaaliyadaha dibadda ee Somalida ah oo ey ugu horeeyaan jaaliyadaha Mareykanka oo iyagu ka dalbaday maamulka iskuulka in ey qiimeyn kusoo sameeyaan tuulada Cad-Cadeey oo uu iskuulku ku yaal dabadeedna usoo gudbiyaan qiimeyntaas.

Waxaa calool xumo ah ardayda iskuulka wax ka barata oo iminka wajiyadoodu ka muuqato farxad iyo tacliin ey meeshaas ku waayaan waxbarashadooda iyo iskuulka kaliya ee tuuladaasi ka dhisan arimo la xiriira dhaqaale xumo owgeed.


Jaaliyada Somaliyed ee ku dhaqan dibadda ayaa waxa laga codsanayaa in ey ka damqadaan arintan islamarkaana gargaar wixi ey tari karaan lasoo gaaraan ardaydan qarka u saaran in ey waayaan waxbarashadooda.

Wixii faa-faahin dheeraad ah kala xiriir TEL. 002521-5526666/002521-626565 ama E-mail safaorg@gmail.com

mahad sanidinin

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda



La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

web site visitor counters

 Xayeysiis
  Fanka Iyo Suugaanta

Wararkii Hore

Contact webmester Copyright © 2006 calanka.com Qof