Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Geneva, Swiss oo lagaga gudoomay danjire Bari-Bari waraaqihiisii aqoonsiga


Balcad, Somaliya (Calanka.com) 07-April-08

Bisha Abril 4, 2008 saacada Swiss/ka markii ey aheeyd 3 iyo 21 daqiiqadood ee galabnimo ayaa Maareeyaha Guud ee Jimciyadda Qaaruumaha ka dhexeysa saldhiggeedu yahay magaalada Jenefa ee Dalka Swiss/ka, Mudane Sergei Ordzhonikidze wuxuu Danjire Mudane Yusuf Maxamed Ismaaciil "Bari-Bari" si rasmi ah uga guddoomey warqaadda lagu magacaabey.

Warqaddaan waxaa saxiixey Madaxweeynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed.

Danjiraha waxaa lagu magacaabeey Ergeyga Joogtada ee Soomaaliya u fadhiya JQ ka dhexeysa ee Jenefa iyo Hay'adaha Caalamiga fadhigoodu yahay dalka Swiss/ka.

Munaasibadda guddoonka warqadda magacaabista Danjiraha waxaa goobjoogayaal ka ahaa madax kale ee ka socota JQ ka dhexeeysa, Marwada Danjiraha Zamzam Jaamac Abshir "Dhoorre" iyo Danjiraha ey DFKMG Soomaaliyeed u magacawdey Boqortooyada Ingiriiska & Barwqasooranka Commonwealth, Mudane Cabullatif Maxamuud Cabdi.


Xilka loo magacaabey Danjire Mudane Yusuf Maxamed Ismaaciil "Bari-Bari" waxaa lagu ansixiyey shir ey yeesheen Golaha Wasiirada DFKMG Soomaaliya bishii Juun 2007 kaasoo ka dhacey Caasimadda Dalka Soomaaliya, Magaalada Muqdisho.

1-Maarso 2008 Danjire Mudane Yusuf Maxamed Ismaaciil "Bari-Bari" wuxuu ku hor-dhaartey Madaxweeynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed, Ra'isul-Wasaaraha DFKMG Mudane Nuur Xassan Xusseen, Ku-Xigeenka Koowaad Ra'isul-Wasaaraha DFKMG Mudane Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Cali Axmed Jaamac, Wasiiradda Haweenka iyo Hor-u-Marinta Qoyska Marwo Khadija Maxamed Diiriye, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib-u-Dejinta Mudane Nuur Iidoow Beyle iyo Mas'uuliyiin kale ee ka tirsan DFKMG Soomaaliyeed.

Danjiraha Soomaaliyeed Mudane Yusuf “Bari-Bari” ka dib markii uu ka soo degey magaalada Jenefa 20 Maarso 2008 wuxuu u guda galey shirkii 7aad ee Golaha Xuquuqal-Insaanka ee JQ ka dhexeeysa oo dhamaadeey 28 Maarso. Danjiraha Soomaaliyeed wuxuu ku guda jiraa kulamo uu la leeyahay Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Swiss/ka, Madaxda Dowladda Swiss/ka iyo Danjirayaal dalal kala duwan.

Soo dhoweeynta gaarka ah ee loo fidiyey waxaa kaloo markhaati u ah in uu labo khudbad ka jeediyey Shirka 7aad ee Golaha Xuquuqal-Insaanka JQ ka dhexeeysa ee Jenefa ka hor inta aan si rasmi looga guddoomiin warqadda lagu magacaabeey.

Danjiraha Soomaaliyeed waxaa sugaya hawl lixaad leh oo eey ugu horreyso dib-u-nooleeynta Xafiiska Ergada Joogtada Soomaaliyeed ee JQ ka dhexeeysa ee Jenefa.


Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool Dalka Swiss/ka waxaa looga baahan-yahay in ey si wanaagsan oo Soomaalinimo ku dheehan-tahay ula shaqeeyaan Danjirahooda iyagoo si gaar ah u eegeya danahooda iyo mustaqbilka ubadkooda.

Sida la ogsoonyahay burburkii Dalkeena ku habsadey ka dib tirada Soomaalida ku nool Dalka Swiss/ka aad beey u korortey. Maadaama uu Danjiraha sidoo kale u xil-saaraanyahay xiriirka u dhexeeya Jamhuriyadda Soomaaliya iyo Dalka Swiss/ka waxaa laga filayaa in uu sare u qaado xiriirka labada dal iyo in uu u doodo xuquuqda Soomaalida ku nool Dalka Swisska.

Isla maalinta Danjiraha Soomaaliyeed Mudane Yusuf “Bari-Bari” laga guddoomayey warqadda lagu magacaabey ayaa dad kor u dhafaay 1000 qofood oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool Swiss/ka ayaa marka ugu horreysey iyagoo mideeysan waxeey ku hor-mudaaharaaddeen Baarlamaanka Fedeeralka ee Swiis/ka oo ku yaal magaalada Caasimadda ee Bern, waxeeyna u doodayeen xuquuqdooda.

DFKMG ee Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Is-kaashiga Caalamiga waxeey si gaar ah ugu hawlan-tahay in ey xoojiso xiriirka Caalamiga ah ayadoo kaashaneysa Safaaradaha Soomaaliyeed oo intooda badan uu si xun u saameeyey burburkii Dalkeena inkastoo ey jiraan Diblumaasiyiin Soomaaliyeed ey taarikhdu si wanaagsan u xusi doonto waayo waxeey ilaaliyeen sharaftii iyo karaamadii Soomaaliyeed waxeeyna ku mintideen hantidii Dalkeena dibedda u tiil. Waxaa aad iyo aad lagama maarmaan u ah in ey Safaaradaha Soomaaliyeed sida ugu dhaqsi badan si dhab ah u hawl-galaan si eey u guttaan waajibaadka saaraan kaasoo ah in ey sare u qaadaan xiriirka iyo is-kaashiga Caalaamka oo ey Ummadda Soomaaliyeed sida gaarka ah ugu baahan-tahay. Dhanka kale Beesha Caalaamka waxeey soo dhoweeyneysaa xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya maadaama ey qaaradaha adduunka iyo dalalka deriska ah ey u haajireen Soomaali aad iyo aad u tira badan kuwaasoo u baahan daryeel dhab ah iyo in loo dodo xuquuqdooda.


http://somaliswiss.wordpress.com/

http://www.unog.ch/80256EDD006B9C2E/(httpNewsByYear_en)/

http://www.un.org/webcast/unhrc/archive.asp?go=080320

http://www.un.org/webcast/unhrc/archive.asp?go=080320

Taariikh koobaan oo tilmaameeysa xirirka ka dhexeeya magaalada Jenefa iyo JQ ka dhexeeysa

Magaalada Jenefa, dalka Swiss/ka 15 Nofembar 1920 waxaa si diiraan loogu soo dhaweeyey ergo ka qeeyb gashey shir-weeynihii ugu horreeyey ee Ururkii Dalalka Adduunka. Go'aannada shirkaas waxaa ka mid ahaa in magaalada Jenefa loo aqoonsado saldhigga Ururka Siyasadeed Caalamiga ee ugu horreyey taariikhda adduunka.

Xog-hayayaashii Ururkii Dalalka Caalamka waxeey saldhig ka dhigteen daarta Jenefa ku taal oo loo yaqaan Daarta Wilson. Sannadkii 1936 waxaa xariga laga jarey Daarta weeyn lagu magacaabo Daarta Dalalka, taasoo Ururku degey. Nasiib darro Ururkii Dalalka wuxuu baajin waayey dagaalkii adduunkii labaad.

1 Febraayo, 1942 Madaxweeynihii Mareekanka oo la oran jirey Franklin Delano Roosvelt wuxuu beddeley magicii Ururkii Dalalka wuxuuna u bixiyey Jimciyadda Qaaruumaha ka dhexeeysa.

26 Juun, 1945 wakiillo ka kala socdey konton dal waxeey magaalada San Francisco ee Dalka Mareekanka isku raaceen Dastuurka JQ ka dhexeeysa.

JQ ka dhexeeysa waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqey 24 Oktoobar 1945 ka dib markii ey 50 dal si rasmi ah u ansixiyeen Dastuurka ey wakiiladoodu diyaariyeen.

Bishii Abril 1946 go'aanadii Shir-weeynihii ugu dambeeyey ee Ururkii Dalalka oo lagu qabtey magaalada Jenefa waxaa ka mid ahaa in hantidoodi oo dhan ey ka mid tahay Daarta Dalalka lagu wareejiyo JQ ka dhexeeysa Xafiiskeeda Yurub.

1 Febraayo, 1966 magacii ahaa Xafiiska Yurub ee JQ ka dhexeeysa waxaa lagu beddeley Xafiiska JQ ka dhexeeysa ee Jenefa.

Saldhigga JQ ka dhexeeysa ee Jenefa marka laga reebo Diblumasiyiinta matala Dalalka adduunka oo dhan waxaa ka hawl-gasha tira gareeysa 1.600 qofood waxaana sanadkasta lagu qabtaa illaa iyo 8.00 shirar caalami ah. Saldhiggaan waa kan ugu weeyn ee JQ ka dhexeeysa. Magaalada Jenefa waxaa ka howl gala hay'adaha addunka u xil-saaran dar-yeelka bani-Aadanka.


Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]