Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
R/w. Nuur Cadde oo lagu soo dhaweeyay UAE


Dubai, UAE (Calanka.com) 07-April-08

K/Xigeenka xaakimka Rasal-Khayma Ahna Ninka leh dhaxalka Imarada Ras Al-Khayma Shiikh Sacuud Bin Saqar Al-Qaasimi ayaa maalintii shalay ahayd si diiran ugu soo dhaweeyay Qasarigiisa Al-Dayit Dawlada R/wasaaraha Soomaaliya Nuur Xassan Xusayn (Nuur Cadde).

Wafdigan Dawlada R/wasaaraha Soomaaliya Nuur Xassan Xuseyn (Nuur Cadde) ayaa waxay booqasho rasmiya hada ku marayaan wadanka Imaaraadka Carabta Midoobay ee United Arab Emirates.

Kulankan labada mas,uul ayay waxay iskula soo qaadeen Xiriirka sokeeye ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya & UAE iyo sidii loo xoojin lahaa lona horumarin lahaa, waxay kaloo isla soo qaadeen Xaalada Wadanka Soomaaliya halka ay marayso.

Wafdiga ra`iisal wasaaraha ayaa sido kale kulan balaaran kula qaatay halkaasi ganacsatada Somaliyeed ee ku sugan dlkaasi isu tagga Imaratka, waxaana uu ahaa sida la sheegay kulan ey casuumaadiisu fidiyeen ganacsatada.


Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]