B/weyne, Somaliya (Calanka.com) 07-April-08 Ilaa 4 qof ayaa dhimatay dhowr iyo labaatana dhaawac ayaa soo gaaray ka dib qarax aad u weyn oo laga maqlay gudaha iyo daafaha magaalada b/weyne markii lala eegtay kolnyo gaari ah oo la socotay gudoomiyaha gobolka Hiinraan Yuusuf Dabo-geed.
Qaraxan ayaa la sheegay in uu yahay miino kuwa gacanta laga hago ah iyadoo dadka dhaawacmay intooda badan ay yihiin dad rayid ah oo ka agdhawaa goobta qaraxu uu ka dhacay.
Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray 1 askari oo ka tirsan ciidamad maamulak gobolka hiiraan waxaana ciidamada maamulka ka dhaawacmay sida la sheegay ilaa 2 askari waxaana inta badan dadka dhaawacay sida ay dad goobjoogayaal ah ii xaqiijiyeen rasaas badan oo qaraxa ka dib ay fureen ciidamada.
Qaraxan oo ka dhacay goob dadku ay u badan yihiin oo u dhaxeyso hotelada wabi shabeele iyo hiiraan ayaa waxaa uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo maalincad lala eegto maamulka gobolka hiiraan waxaana jiro in qasaaruhu uu intaasi ka bato sababtoo ah ilaa iyo hada waxaa cisbitalka la soo gaarsiinayaa dad hor leh oo ay xabado ay fureen qaraxa ka di ciidamada ugu tagtay guryahooda. Waxii war ah ee ku soo kordha insha alaah wararkeena dambe ayaad ku heli doontaan ilyaas axmed cilmi guute@hotmail.com
calanka.com
B/weyne