Rochester, Minnesota (Calanka.com) 07-April-08 Wasiiradda arimaha dibadda Mareykanka miss. Condonleezza Rice ayaa ka mid ah musharixiinta ugu cad-cad ee qabanaya jagada uu iminka hayo Dick Cheney oo ah madaxweyne xigeenka dalka Mareykanka.
Hadalkan ayaa waxaa sheegay musharaxa loo maleynayo in uu ku guuleysanayo doorashada madaxtinimo ee dalka Mareykanka dhawaan Mc-Cain, wuxuuna sheegay Mc-Cain in sidoo kale jagadan ey u sharaxan yihiin 20-ruux oo kale.
Mac-Cain oo hadalkan ka sheegay barnaamij ka baxa Tv-ga «This Week with George Stephanopoulos» ayaa carabka ku dhiftay in Rice ey mudo isbuucyo ah waday dadaal isugu soo sharaxeyso jagadan oo ey bilowday in ey taageerayaasheeda soo jiidato si loogu doorto jagadan.
Rice ayaa lagu sheegay in ey tahay shakhsi aktiv ah oo kasoo bixi kaa jagadan, waxaana ey dadka Mareykanku ku tilmaameen haweeney ka dhisan xaga khibradda siyaasadda islamarkaana ku jirtay siyaasadda mudo dheer.
Si kastaba wali lama saadaalin karo cida sida dhabta ah u qaban doonta xilkan, waxaana Mc-Cain oo doonaya in uu jagadan siiyo Rice horyaal laftirkiisa tartan adag oo ku aadan ku guuleysashada doorashada madaxtinimo.