Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Qarixii B/weyne oo khasaarihiisu sii kordhayo


B/weyne, Somaliya (Calanka.com) 07-April-08

Waxaa sii kordhayo tirada dhimashada dadkii maanta ku dhaawacmay qaraxii gilgilay gudaha magaalada b/weyne waxayna haatan tiradu sii cagacageyneysaa ilaa 7 ruux oo intooda badan ay yihiin rayid kuwaasoo ah inta la keenay cisbitalka waxaa jiro tiro kale oo guryaha la geeyay iyadoo aad arkeyso dadweyno aad u badan oo hor tuban cisbitalka weyn ee magaalada kuwaasoo sugayay waxa laga soo sheego eheladooda oo qaarkood maanta ku dhaawacmay qaraxa iyo ku qaadaya meydadkii eheladooda.

Qasaaraha uu maanta geystay qaraxani ayaa intaasi oo kali aheeyn oo waxaa dhamaan xirmay oo ilaa iyo haatana xiran dhamaan goobaha ganacsiga ee gudaha magaalad b/weyne iyadoo ganacsataduna ay ka baqdin qabaan in loo qabqabto qaraxaasi maadaama uu gudoomiyaha gobolka hiiraan uu ugu caga jugleeyay ganacsatadu in ay garab siyaan kooxaha ka soo horjeedo siyaasada dowlada islamarkaasina uu talaabo ka qaadi doono waxaana ilaa haatan laga dareemayaa magaalada in ay aad u yaraatay isu socodka dadka iyo xirnaashaha goobaha ganacsiga.

Qaraxa ka dib waxaa magalaada soo galay ciidamo aad hubeysan oo ethiopain ah kuwaaso la sheegay in ay baarayaan waxa uu yahay qaraxaasi iyo cida ka dambeysay walow saacado ka dib ,markii ay la kulmeen mas'uliyinta maamulka gobolka hiiraan dib isaga laabteen waxaana soo galitaankooda walaac ka keenay dadka rayidka ah ee ku dhaqan gudaha magaalada b/weyne iyo ganacsatada gobolka Hiiraan.

Qaraxan oo ahaa midkii ugu weynaa abid ee ka dhacay gudaha magaalada b/weyne isla markaana maalin cad lagu weeraro maamulka gobolka hiiraan ayaa waxaa aad ugu xumaaday ururada bulshada rayidka iyo kuwa u dooda xaquuqda aadanaha ee ka howlgalo gudaha gobolka hiiraan waxayna si wada jir ah u cambaareeyeen cidii ka dambeysay qaraxaasi oo ay sheegeen in loola dan lahaa in dadka rayidka ah lagu waxyeeleey maadaama bey yiraahdeen qaraxu uu ka dhacay labada hotel ee Wabi Shabeele iyo Hiiraan dhaxdooda halkaasi ay tahay goobta ugu dadka badan magaalada B/weyne .

Sidoo kale Ururada Bulshada Rayidka iyo kuwa Xaquuqda Aadanaha ayaa waxay intaasi ku dareen in goobta qaraxu uu ka dhacay uu ku yaalo iskuula ugu weyn Gobolka Hiiraan ee Mujamac iyadoo waqtiga uu qaraxu dhacay wax yar ka horna ay ardaydu bareega ka xaroodeen waxay sheegeen in hadii qaraxu uu dhici lahaa waqtiga ay ardaydu bareegu ku jireen qaraasuhu uu intaasi ka badan lahaa.

Waxay ugu baaqeen Ururada Bulshada Rayidka iyo kuwa Xaquuqda Aadanah ee gobolka hiiraan labada dhinac ee siyaasada dalka isku hayso in ay bulsha u naxaan oo ay ka yareeyaan dhibaateynta maadaama bulshadu ay la daalaa dhaceyso abaaro iyo sicir barar ka jiro guud ahan dalka.

Gudoomiayaha maamulka gobolka hiiraan yuusuf axmed hagar dabo-geed ayaa ka hadlay qaraxa maanta ka dhacay b/weyne kaasoo lala damacsanaa gudoomiyaha naftirkiisa oo markaasi marayay goobta qaraxa uu ka dhacay in lagu qaarajiyo waxuuna sheegay in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin howlaha ay ka wadaan gobolka maamulkiisa waxuuna ugu baaqay bulshada gobolka in ay ciidamada kala shaqeeyaan howlaha lagu sugayo amaanka islamarkaana ay iska qabtaan kooxaha dhibaateynayo nabada gobolka sida uu yiri ka jirto.

ilyaas axmed cilmi
guute@hotmail.com
calanka.com
B/weyne

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]