Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 08-April-08 Ciidamada khaaska ee la dagaalama argagixisada iyo kuwa soo furta dadka la afduubto ee Fraciska kuna magacdheer GING ayaa waxaa loo diray dalka Somaliya si ey usoo furtaan markabka Franciska ah ee kooxaha burcad-badeeda ku afduubteen xeebaha Somaliya.
Askartan khaaska ah ayaa iminka gaaray oo ku sugan dalka Jabuuti, waxaana ey ka warsugayaan go`aanka kooxaha wadahadalka la leh burcad-badeeda kuwaasoo qaab wadahal doonaya iney uga soo daayaan kooxahan markabka.
Markabkan ayaa sida la sheegay afduubteen burcad-badeed tiradooda lagu qiyaasay 10, waxaana markabkan oo ah nooca raaxada laguna magacaabo «Le Ponant» ayaa waxaa saarnaa markii la qafaalanayay dad gaaraya 30-ruux oo 22 ka mid ah yihiin shaqaale Franciis.
Markankan ayaanan wadin max dalxiisayaan ah markii la qafaalanayay, sida ey sheegtay afhayeenad u hadashay wasaaradda arimaha dibadda France oo lagu magacaabo Pascale Andreani.
Maamul goboleedka Puntland ayaa uga digay in ey wax madaxfurasho ah siiyaan burcad-badeeda "Lacag madaxfurasho oo la siiyo burcadda waxa ey sare usii qaadeysaa fal danbiyeedka badda, hada xitaa wey haystaan lacag, waxaana ey ku qalabeysan yihiin oo ey ku xiriiraan qalab isgaarsiineed oo casri ah, waana dad si fiican isugu xiran", ayuu yiri wasiirka warfaafinta P/land Abdirahman Mohamed Bangah.
Sanooyinkan danbe ayaa waxaa xeebaha Somaliya faro ba`an ku haya oo laga cabanayaa burcad badeed Somali ah kuwaasoo qafaasha ayu nooc markab ee soo gala badda Somaliga ama hareereheeda.