Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Gudiga Am. Qaranka oo ka digay diidmada lacagta 1000-sh. Somaliga


Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 08-April-08

Gudiga Amniga Qaranka, maamulka gobolka Banadir iyo taliska Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa maanta mar kale digniin kasoo saaray diidmada lacagaha duuga ah ee shilling soomaaliga kuwaasoo inta badan suuqyada magaalada Muqdisho laga diido.

Shir ay isugu yimaadeen dhawaan mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa gunaanadkiisii waxaa laga soo saaray go'aanno adag oo ka dhan ah ganacsatada diida Lacagta duugowday ee Shillin Soomaaliga ah.

Go'aankan ka soo baxay maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmay xilli dhawaan Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed C/llaahi Ibraahim Cumar Shac-shac uu uga digay ganacsatada in ay diidaan qaadashada lacagta Kunka Shillin ee duugowday, wuxuuna dadka ugu baaqay in ay la soo xiriiraan Saldhigga ugu dhow haddii ay arkaan cidda lacagta ka diideysa.

Dhanka kale maamulka Degmada Balcad ayaa xabsiga dhigay ganacsato tiradooda ku dhowdahay 20 ruux, kuwaasi oo la soo xiray kadib markii ay diideen in ay qaataan lacagta duugowday ee Kunka Shillin, inkastoo la sii daayay kuwo iska bixiyay lacag hal milyan ah oo lagu ganaaxay ganacsatada la soo xiray.
Sicir bararka oo ah mid inta badan la xirira Maciishada qutul daruuriga ayaa waxaa maanta suuqyada magaalada Muqdisho uu ka marayaa heerkii ugu sareeyay, Loorka Burka ah ayaa waxa uu marayaa 37 doolar oo u dhiganta 962,000 oo shilin, Bariiskana 38 doolar halka Sokortana ay aheyd 27 Doolar, waxaana kartoonka Baastada la kala Siisanayay 11.7-cent sidoo kale jiirgaanka saliid cadeyda ah ayaa isna waxaa uu marayay manta 29 Doolar.

Marka Arimahani la sii gudo galo 1KG bariiska ayaa waxaa la kala siinayay 22 kun Shilin somali taasi oo shacabka ay ku tilmaameen mid aysan u dul qadan Karin dibna u xusuusineysa caga bararkii ka dhacay wadanka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegeen in tani ay tahay mid aan waligeed soo marin isla markaasina aysan arag xaaladan oo kale hadii aan wax laga qabana ay dadka u le'an doonaan caga-barar iyo macluul wada Saameeysa.

Sicir barakani ka jira dalka ayaa waxaa ay inta badan dadweeynaha ku eedeeynayaan gancsatada Soomaaliyed kuwasi oo sheegay in gacsatada inta badan ay qeyb weyn ku leeyihiin dhibaatada sare u kaca maciishada.

Sare u kaca maciishada ayaa waxaa daba socda diidista Lacagta Kunka shilin ee duuga ah ama jeex jeexan taasi oo dadka ku nool dalka ay ku muujiyeen dibadbaxyo balaaran sida ay uga xun yihiin qaabka lagu diidayo lacagta ka hartay shilin Somaliga ee kunka ah.

C/laahi Xassan Baliil
Baliilkhan10@hotmail.com
Baliilnet.abdala@Gmail.com

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]