Odayaasha B/Hawiye
oo safar ku tagay dalka Djabuuti
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 08-April-08 Warar laga helayo ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa
sheegay in ey gaareen dalka Djabouti xubo gaaray 13-ruux oo ka mid ah golaha Dhaqanka Beelaha
Hawiye qeybtooda mucaaradka oo uu ka mid yahay gudoomiyaha golahasi Max'ed Xasan Xaad iyo labada
Afhayeen ee golahasi ee dhinaca siyaasada iyo dhanka bulshada Axmed Diirye
iyo Cabdullaahi Dheere iyo kuxigeenka golahasi Jimcaale Jeeb Weeyne.
Odayaashan ayaa la sheegay in ey casuumaad ka heleen mucaaradka kele ee dowladda kasoo horjeeda ee ku sugan dalka dibadiisa,
waxaana casuumaadan sidoo kale lug ku lehe wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya Somaliya.
Xubnahani Ka duulay Muqdisho ayaan la garaneeyn halka ay kula kulmayaan
Shiikh Shariif in kastoo ay wararka intaa raacinayaan in diyaaradii qaaday
ay tegeeysay magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti waloow wararka ay qaar ayaa
sheegay in kulankasi uu ka dhacayo magalada Asmara ee Dalka Eritrea.
Sikastaba ha ahaatee Waxaa la sheegay in inta ay joogaan Jabuuti ay la kulmi
doonaan wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ahmedou Ould Abdallah iyo
dib lomaasiyiin kale oo ay kala hadli doonaan arimaha
dib u heshiisiinta.
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ku abuurmay dagaaladii ka
dhacay magaalada Muqdisho ee ay isaga soo horjeedeen ciidamada Ethiopia iyo
kooxaha ka soo horjeeda, walow ey markii danbe labo garab u kala jabeen oo ey kala hogaamiyaan
Maxamed Xasan Xaad iyo Xaaji Cabdi Iimaan.
Ugu dambayn safarka odayaasha Hawiye dhinaca dibada uga ambabaxeen magaalada
Muqdisho ayaa noqonaya kii u horeeyay, tan iyo markii odayaashan xornimo
buuxda ay ka heleen ra'iisul wasaare Nuur Cadde oo uu dhex maray heshiis
dhinacyo badan ah, isla markaana ey kaga bexeen dhuumaaleysigii ay in muddo ah
ku jireen.