Dibadbax sicirbarar
looga soo horjeedo oo maanta Muqdisho ka dhacay
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 08-April-08 Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo sicir
bararka ku yimid quutul daruuriga, iyadoo dadweyne aad u careysan isla
markaana ka cabanaya sicir bararka baahsan ee ka jira magaalada Muqdisho
ay banaan baxyo rabshado wata ka dhigeen wadooyinka waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Meelaha ay banaanbaxyada ka dheceen ayaa waxaa kamid ah Isgoyska Sanca ee
degmada Kaaraan oo ay kala xireen dibadbaxayaashu isu socodka gaadiidka, ayaa waxaa ay muddo
dhowr daqiiqo ay xanibeen baabuurta marta wadadaas.
Banaanbaxaasi ayaa waxaa kasoo qayb galay daad aad u tiro badan oo aad u careysnaa,
waxaana jira baqaaro ay ku jiraan cuno ay iska leedahay
hay`adda WFP labililiqaystay .
Sicir bararka ka jira magaalada Muqdisho ayaa waxa uu qarka ugu saaran yahay
in Kun-ka shilin (1000) ee ah kan ugu weyn uguna yar ee lacagta shilin
soomaaliga inuusan waxba goyn.
Sicir bararka oo ah mid inta badan la xirira Maciishada Qutul daruuriga ayaa
waxaa maanta Suuqyada Magaalada Muqdisho uu ka marayaa heerkii ugu sareeyay,
Loorka Burka ah ayaa waxa uu marayaa 37 doolar oo u dhiganta 962,000 oo
shilin, Bariiskana 38 doolar halka Sokortana ay aheyd 27 Doolar, waxaana
kartoonka Baastada la kala Siisanayay 11.7cent sidoo kale jiirgaanka Saliid
Cadeyda ah ayaa isna waxaa uu marayay manta 29 Doolar.
Qiimaha waxlagu kala iibsado ee maciishada quutul daruuriga ayaa waxaa uu
gaaray meeshii ugu sareesay iayadoo aanan jirin cid kahadsha sicir
bararkaasi baahsan ee kajira guud ahaan dalka Somaliya.
Dadkani ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah sare u kaca xoogan ee
ku yimid maciishada qutul Daruuriga ah isla markaana waxaa ay dhagxaan ku
tuurayeen goobaha ganacsi ee ay soocdka Dheer ku soo mareeyeen.
Ma jirto cid la hadashay banaabaxayaashaas oo ka tirsan maamulka Gobolka
Banaadir ama Dowlada Somalia kuwaasi oo goor danbe isaga huleelay Goobihii
ay ku dibad baxayeen waxaana weli xiran goobo Ganacsi oo ku yaala halkii ay
ka dheceen isku soo baxaasi oo saameeyn weeyn ku yeeshay.
Dibadbaxani ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili heerkii ugu sareeyay uu
suuqyada magaalada Muqdisho ka gaaray maciishada Qutul daruuriga ah.