Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Wiil (11-jir) ah oo bad-baadiyay 26-arday


Minnesota, USA (Calanka.com) 08-April-08

Cunug 11-jir ah ayaa bad-baadiyay 26-arday oo ey isku iskuul ahaayeen kadib markii baskii lagu waday ardaydaas oo meel dalcad oo baasiinle ayehd uu saaray darawalkii gaarigaas si uu ugu shubo gaariga bansiin, inta uu ku maqnaa suuliga ayaa waxaa taraaraxay gaariga oo iskiis isu waday.

Baska ayaa waxaa uu qabsaday wadadii ugu soo horeysay oo aheyd mid ku beegneyd dalcadi uu saarnaa, waxa eyna aheyd wado ey si weyn u isticmaalaan tarafigga kale ama gaadiidka kale.

Intuu suuliga/musqusha ku maqnaa darawalka ayaa gaarigii dhaqaaqay waxaana durbadiiba sida ey sheegeen caruurta kale ku booday kursiga darawalka 11-jirka si uu u istaajiyo baska, laakiin waxaa usuuroobi weysay in uu gaaro fariinka sidaas daraadeedna uu isteerinka u weeciyay meel gidaar ah.

Qisadan oo ka dhacday Cleveland, USA ayaa waxaa uu cunugan bad-baadiyay caruurta ka noqday halkaa mid halyeey ah, waxaana boliskii soo gaaray goobta shilka ey sheegeen in wiilkan yar la`aantiis ey sheekadu halkaas kasii fool xumaan laheyd.

15 ka mid ah ardayda ayaa waxaa laga daweeyay dhaawacyo yar-yar halka intii kale ey bad qabeen.

Nin gadayay baasiinlaha uu darawalka baskan shidaalka kaga shubanayay ayaa ku qaraacay albaabka musqusha una sheegay in xaaladdu ey xun tahay islamarkaana baskiisii uu cagaha wax ka dayay.

Boliska deegaankaas ayaa baaritaan u galay falkan, waxaana ey sheegeen in wax cilad ah uusan qabin baskan baxsaday.


Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]