Xero ciidamada
Brundi dagen yihin oo qarax banaankeedu ka dhacay
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 08-April-08 Xero ciidan oo ey daganaayeen ciidamada Amison ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lala beegsaday banaankeeda qaraxa sida la sheegay ka dhashay gaari uu waday nin naftii hure ahaa kaasoo doonayay inuu xerada la galo.
Ciidamadan weerarka lala beegsaday ayaa waxaa ey ahaayeen kuwa ka socday Burundi oo fariisin u aheyd jaamacadii umadda ee Muqdisho.
Weerarkan ismiidaaminta oo u muuqday mid meeshii lala rabay aan ku qarxin ayaa waxaa ku dhaawacmay 7-ruux oo ey laba ka mid ah ahaayeen ciidamada Burundi, mana jiraan ilaa iyo iminka wax dhimasho ah.