Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Maxaad ka taqaan Norway & Somalida degan?


Hordaland, Norway (Calanka.com) 08-April-08

Norwey waa waddan ka mid ah waddamada la isku yiraahdo Iskandinifiya(Scandinivia) ee kala ah Iswiidhan, Norwey iyo Danmarka. Norwey waxeey xududd kala leedahay bariga Iswiidhan, Finlan iyo Ruushka. Waxuuna dalka Norwey noqday dal xor ( ka hor waxeey la mideysnaayeen Danmarka iyo Iswiidhan) 1905, balsa waddanka Norwey sida maalinka ay xoriyada qaateen waxaa looga dabaal degaa 17. Maay 1814, oo ah taariiqdii lagu guuleeystay in ay sameeystaan shacab weeynahay reer Noway sharci ay u mideysanyihiin inkastoo ay weli ku hoosjireen dowlada iyo boqotooyada Iswiidhan.

Sanadii 1905 waxaa Norwey inuu boqor ka noqdo looga doortay is qab-qabsi badan kadib amiirkii reer Danmarka Carl, isla markaasna magaciisa loo bedelay magacyadii boqoradii hore ee Norwey ay baxsan jireen Haakoon V11. kadibna u soo guuray oo ka noqday boqor dalka Norwey.

Dagaalkii koowaad ee dunida Norwey waxeey aheeyd dowlad dhex-dhaxaad ah, balsa dagaalkii labaad ee dunida ayeey taageereen dowladihii ka soo horjeeday fekradii Hitler ee hogaanka u haayeen Biritan, Faransiis iyo Mareykan. Taas oo sababtay in la qabsado dalka Norwey, bishii abriil 9dii 1940, ilaa laga soo gaaray 1945 la heeystay. Waxeeyna dowlada Norwey ka mid noqotay dowlada la isku yiraahdo NATO iyo waliba dowladihii lagu bilaabay dhismahii Qaramada Midoobay markuu sanadku ahaa 1949.

Dalka Norwey waa dal boqortooyo leh, laakiin boqortooyada ma lahan awood ay wax ku xukunto, oo waa uun magac u yeel. Norwey sharci kama aheeyn sanadu yar ka hor in qof dumar ah boqorad ka noqoto dalka sida Ingariiska oo kale oo cunuga koowaad ee lamaanaha boqorka ka ah dalka dhalaan waxeey rabaan ha ahaadaane ay qaadanaayaan taashka boqortoooyada. Balsa hada sharcigaas Norwey waa laga bedelay, waxeeyna ku curteen/cunuga 1.aad ee amiirka dhaxlaa boqortooyada iyo amiiradiisa gabar, waxaana la sharciyay in ay gabadhaas noqon doonto boqorada mustaqbalka ee Norwey.

Boqortooyada Norwey in ay sii jirto isqilaaf fara badan ayaa ka taagan, oo dad badan iyo xisbiya ka mid xisbiyada siyaasada ayaa u arko in boqortooyadu sida shacabka caadiga ah oo kale noqotay sanadii danbe. Kadib markii 2001 oo guursaday wiilka amiirka ah ee loo diyaarinaa inuu dhaxlo boqortooyada gabar ka mid ah bulshada dabaqada dhexe, leh cunug iyo taariiq ay dad badan oo reer Norwey ah jecleeysanin.

Sidoo kale boqortooyadu lacag xad dhaaf ah oo aqliga diidaa ayeey isticmaashaa sanad kasta waa sida ay ku doodaan dadka mucaaradka ahe, isla markaasna u arka in lacagtaas meelo kale looga baahanyahay. Sikasta oo ay ahaataba qarniyada soo socoto uma muuqato hada in barlaamanka dalka Norwey iyo dowlada hada heeysta dalkaba ay diyaar u yihiin in ay tuuraa boqortooyada Norwey, oo dalka sida Mareykanka oo kale Madaxweeyne looga dhigo hogaamiyi.

Maamulka iyo taliska Norwey sadax awood ayuu u qaybsanyahay oo kala ah: barlamaan, boqorooyada iyo dowlada, iyo maxkamad. Mid walba waxuu qabtaa shaqa gooni ah, oo kan kale waa ka madax banaan yahay, inkastoo dhamaantood wax uusan Barlamaanka ogoleen ku dhaqmi karin, sidoo kale wax uusan Boqorku saxiixin. Laakiin awooda boqorka weey xadidantahay, oo awooda kaligeed talisa ayadane ay shacabka u taliyaan waa barlamaanka ay u yaqaaniin dadka luuqada Norwiijka ku hadla "Stortinget" oo u dhiganta barlamaan ay soo doorteen shacabka dalka.

Isla markaasna sameeya sharciyada dalka, bedeli kara sharcigii dowlada iyo shacabka isku raacaan in la bedelo, kuna bedela mid cusub. Sidoo kale ilaaliya dowlada iyo sida ay nidaamka ugu dhaqmeyso, lacagta ay isticmaaleyso iyo sida ay u isticmaaleysaba waxaa il gooni ah ku haaya oo daba socdo Barlamaanka. Nidaamkaas guud asigo sidaas u qaybsan ayuu hadane dalka Norwey leeyahay maamul goboleed iyo degmooyin, oo maamulka gobol kasta shaqo gooni ah ayuu u qabtaa shacabka gobolkaas ku nool, maamulka degmadane waxeey qabtaan shaqo gooni u ah.

Caadi ahaan Norwey waxaa ka jira ilaa sideed xisbi, balsa siyaasadooda laba uun loo qayb karo oo kala ah bidix iyo midig, ama demoqoraadi iyo qunyar u socod. Waxaa hadada la joogo heeysta dalka Norwey xisbiyada kala (AP, SV iyo SP) oo hal isku noqday, kuna heshiiyay in ay isla hogaamiyaan dalka, siyaasadooduna ku saleeysantahay demoqoraadi, kuwaasoo la doortay bishii 9ad 2005 dhicini doono 2009, hadii aan marlabaad la dooranin isla ayaga. Xisbiyada hada heeysta dalka waxaa ku jira xisbiga (SV) oo ah xisbi aad kaga soo horjeeda siyaasada Mareykan, rabane in Norwey aysan la shaqeynin Mareykan iyo siyaasada xun oo dunida ka wado.

Balsa xisbigaas sababta siyaasada Mareykanka codad badan ayuu ku awaayay maxaayeelay Norwey waxeey ka mid tahay waddamada Yurub ku yaala ee aadka u taageersan Mareykanka siyaasadiisa, wada shaqeeynta wanaagsane ka dhaxeeyso.

Dalkaan Norwey waxaa looga hadlaa oo kali ah luuqada Norwiij (iyo qeyb yar oo iyana ku hadasha luuqada Samisk), waxaansa dhihi karaa Norwey waxaa looga hadlaa boqolaal lahjadood oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Qofkii ajnabi ah oo dalkaan ku noolna waa uu ku wareeraayaa, qaas ahaan markii aad arday ka tahay oo macalin iyo arday kasta lahjadii degmadiisa looga hadlaayay kugula hadlo asigoo iska hilmaamaa in aad dalka u dhalanin oo aadna wada baran karin lahjadaha kala duwan ee luuqada Norwiijka leedahay hadii aad konton sano oo hada dhiman aad la joogtidna. Laakiin ugu yaraan, ama muhimada ayaa ah in la is fahmaa, oo hadaba qofkii somaaliya Konfurta kaga nool lahjad gooni ah ayuu ku hadlaa, saasta ay tahay kan Waqooyiga ku nool ee lahjada kale ku hadlaa si fiican ayuu u fahmaa, gobolada kalane sidoo kale, oo qoraal iyo hadal dhib la iskuma qabo.

Norwey waxaa caan ah ama xafiiska dowlada, iyo qoraalka buugaagta iskuulkaba lagu qoraa laba lahjadood kuwaas oo loogu kala yeero: Bokmål iyo Nynorsk. Bokmål waa luuqad aad ugu dhaw tan daanish, oo dalkaan laga bartay intii boqortooyada Danmarka ay heeysatay dalka Norwey, waxaana looga hadlaa ama lahjadaas ay caan ka tahay caasimada dalka (Oslo) iyo gobolada deriska la ah. Meesha Nynorsk ka yahay luuqad ay ku hadli jireen dadkii hore ee Norwey ku noolaa, oo maantay qaar ka mid ah ay ku noolyihiin dalka la yiraahdo Islan, una luuqad dhaw lahjadaan la yirahdu Nynorsk ee looga hadlaa galbeedka dalka Norwey iyo gobolo kale oo badan.

Dalka Norwey waxaa ku nool dad laga tiro badanyahay oo ah asal ahaan dadkii dalkaan loogu yimid. Dadkaas waxeey ku noolyihiin dhulka ugu barafka iyo qabowga badan Norwey oo ah Waqooyiga Norwey, waxaana la yiraahdaa Samer, ku dhawaad 40 000 ayaa ku nool Norwey, waxeeyna u midib iyo qaab igyihiin dadka ku nool qaarada Iishiya, qaas ahaan indha yarta.

Sidoo kale waxeey ku noolyihiin Iswiidhan, Finlan iyo Ruushka. Dadkaas laga tiro badanyahay ee ku nool Norwey waxaa lagu heeyn jiray dhibaatooyin badan, waxaa lagu qabsay in ay noqdaan kiristaan, dhaqankooda, diintooda iyo luuqadooda in ay bartaana waa laga mamnuucay. Isla markaasna caruurtooda waxaa lagu qasbi jiray in ay aadaan iskuulaadka Norwiijka, waxna la bartaa ilmaha norwiijka, bartaan dhaqanka iyo diinta dalka, waxna ku bartaan luuqada Norwiijka ah.

Balsa sanadadii 1960-1970 waxeey u doodeen dadkaas xuqooqdooda, waxeeyna ku guuleeysteen in ay sameeystaan barlamaan ayaga gooni u ah, iskuulaad luuqadooda wax loogu barto, dhaqankooda, suugaantooda iyo ciyaarahooda dalka Norwey caan ayeey ka noqdeen. Waana dad leh xuquuqda ay leedahay qofwalba oo ka mid ah dadka degen Norwey, ama heeysta baasaboorka Norwiijka, una dhashay dalka.

Hadaba Somaalida waxey dalka Norwey soo degeen dhamaadkii 1985tii, balse intooda badan waxeey soo degeen ama norwiijku ogaadeen in dalkooda somaalida ay tiifiyada ka arkaan degenyihiin 1995. Maxaayeelay somaalida xiligaas soo degto waxeey ahaayeen dad wata diintooda, dumar xijaaban iyo gabdhu qamaara wata ayaa ku soo baratay iskuulaadka dalka iyo goobaha luuqada lagu barto.

Arintaan waxeey cadeeyn u tahay in somaalida dhamaadkii 1985 yimid ay ahaayeen somaali aan aqoon diineed laheeyn, una dhaqmaayay sida talyaaniga iyo Inagriiska oo kale, taasna la yaab ma lahan markii la fiirsho dhaqankii ka jiray dalkii hooyo siiba caasimadaha sida Muqdisho iyo Hargeesa, iyo taariikhdii ay soo marsiiyeen gumeystayaashii reer Yurub.

Dalka Norwey waxaa ku nool ku dhawaad 18 000 oo asaal ahaan somaali ah, laakiin kala bar ayaa ku nool caasimada dalka ee Oslo ama 10 000 oo somaali ah. Soomaalida dalkaan degen intooda badan waxeey ku noolyihiin lacagaha ceyrta/deeqda ay siiso dowlada Norwey dadka aan shaqeysanin iyo kuwa weli ku cusub dalka. Waxaa aad u yar dadka somaalida ah ee shaqeysta.

Hadii ay jiraan kuwa shaqeysta waxeey ka shaqeeyaan nadaafada, sida dhul dhaqitaanka xafiisyada/guryaha shaqada ee dowladda, dukaamada, maqaayada iyo hoteelada.

Sidoo kale waxeey ka yihiin waddankaan ragga somaalida darawal, oo badankooda wada tagaasida, basaska iyo tariinada. Waxaa jira kuwa ka shaqeya goobaha iskuulaadka oo ka ah macalimiin isku-turjumada luuqada af-somaaliga iyo tan norwiijka, ama ku caawiya ardayda somaalida ah maadooyinka xisaabta, seyniska iyo cilmiga bulshada.

Sidoo kale waxaa iskuulaadka qaas ahaan kuwa ku yaala caasimada dalka ee Oslo ah waxeey bixiyaan xiisadu gaar u ah ardayda somaalida ah oo lagu baro luuqadooda hooyo ee af-somaaliga ah. Sidoo kale meelaha ay somaalidu ka shaqeeyaan waxaa u badan goobaha caafimaad, oo ay badankooda yihiin waxa ka shaqeeya gabdhaha da’da yare e somaalida ah. Waxaa jirta in hada soomaalida dalkaan ku nool wax ka soo fahmaayaan dalkaan iyo qaabka loogu noolyahay, 12 sano kadibna ay la qabsanaayaan waxbarashada, la dhaqanka norwiijka iyo la shaqeeyntooda.

Fiiro Gaar Ah: Waxaa soo socoto qayb tan ka sii xiiso iyo cajaa`ib badan, oo si khaas ahaan ugu saabsan somaalida degen dalka Norwey. Aqriste yeeysan ku dhaafin!
Hadi ad ka qabtid dood ama aad rabtid in aad wax saa`id ah ka ogaatid arimaha iyo xaalada u khaaska ah soomaalida reer Norwey igala soo xariir imailadaan:
samsam_1989@hotmail.com
ama ifraax_yuusuf@yahoo.co.uk

Ka daawo halkan sawirada Somalida Norway iyo sidey u damaashaadaan!


NB: Qoraalkaan xaquuqdiisa waxaa leh qoraaga ku saxiixan amar la`aana lama daabacan karo, mana la qaadan karo, sidoo kale mala'awaal waa ka mamnuuc ilaa ogolaansho laga helo qoraaga sheekada iska leh.

Waxaa Qoray
Ifraax Yusuf Ciyow (Ifka)


Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]