Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 09-April-08 Wararka naga soo gaaraya magaalada Jabuuti ayaa waxa ey sheegayaan in ey halkaasi gaareen wafdi uu hogaaminayo ra`iisal wasaaraha Somaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdigan ra`iisal wasaaraha ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madax ka tirsan dowladda Jabouti, waxaana warar aan la xaqiijin sheegayaan in casuumaad ey ka heleen madaxweynaha dalkaasi Ismaciil Cumar Geelle.
Waxaa sidoo kale ku sugan isla dalkaaso masuuliyiin ka tirsan isbaheysiga dib u xoreynta Somaliya iyo odayaasha beelaha Hawiye oo iyagu mucaarad ku ah dowladda federalka diidana joogitaanka ciidanka Itobia ee carada Somaliyed.
Horay ayaa waxaa u socdeen dadaalo la doonayo in la isku hor-keeno garabyada isku haya siyaasadda Somaliya oo ey wadeen beesha caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobay, waxaana safarada ey labadan garab ku joogaan dalka Djabouti qeyb ka yahay arinka dib u heshiisiinta.
Ma cadda ilaa iyo iminka in labadan garab ey isku soo hor fariisan doonaan magaalada Jabuuti.