Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
- Waan qeylin doonaa oo waxaan oran doonaa WOOW


Oslo, Norway (Calanka.com) 09-April-08

Daxgacmeedkii (Soyuz-Rocket)oo ay saaran-tahay Haweeneydii nasiibka u yeelatay inay noqoto Cirbixiyeenadii (Astronaut) oogu horeysay ee dalka Koonfurta-Kuuriya u dirto hawada-sare ayaa si nabad-gelyo ah ooga duushay xarunta laga maamulo hawada-sare ee dalka Ruushka ee loo yaqaan (Baikonur Space Center).

Haweeneydan Reer Korea ee Miss Yi So Young ayaa waxa safarkeeda ku wehlihaya,Cirbixiyeeno u dhashay dalka Ruushka.

Gabadhan oo 29-jir-ah ayaa ku faantay inay dhaqanka Reer Kuuriya ay geyn-donto hawada-sare,isla-markaana ay ku dhex heesi-doonto Dayax-gacmeedka gudihiisa heeso dhaqameed ayna la qaadi doonaan,saaxiibadeeda ku wehliya safarka.

Miss Yi So Young ayaa rajo ka muujisay in safarkeeda ay ku farxi doonaan dhamaan dadweynaha ku dhaqan Labada Kuuriyadood.

"Waxaan rajeynayaa maalin ka mid maalmaha inay midoobaan Labada Kuuriyadood, waxaana rajeynayaa dadka Waqooyiga Kuuriya inay ku faraxsan-yihiin duulitaankeyga hawade-sare", ayey tiri haweeneydan oo dhoola-cadeyneysa.

Gabadhaan oo la weydiiyay kelimada afkeeda ka soo bixi doono marka ay caga-dhigato hawada-sare ayaa hadalkeeda ku soo koobtay:

"Waan qeylinayaa anigoo faraxsan waxaan oran-doonaa 'WOW'", ayey tiri Haweeneydan oo la hadleysay warfidiyeeno inta aysan u duulin hawada-sare.

Miss Yi Young ayaa laga soo dhex-doortay araaji ay soo qorteen 36,000 oo qofood,waxaana safarkeeda ku wehliya Cirbixiyeeno u dhashay dalka Ruushka oo kala ah Oleg Kononke iyo Sergei Volov,waxaana la filayaa inay dib dhulka oogu soo noqdaan 19 April.

Magaalooyinka Seol iyo Pyong-Yong ee caasimadaha Dalalka Waqooyiga Kuuriya iyo Koonfurta Kuuriya ayaa waxaa isugu oo baxay Shacab qiireysan oo ku faraxsan safarka Haweeneydan.

Haweeneydan iyo saaxiibadeeda ku wehliya safarka ayaa la filayaa inay dib dhulka oogu soo noqdaan sida qorshuhu yahay 19-April.

Xuseen Yaaasiin Godo-Godo
Tiibotalyaani@live.com

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]