"Jaceyl waa
kan oo kale"
Sanca, Yemen (Calanka.com) 23-April-08
Jacayl waa kan oo kale....!! (Qaybta 5-aad).....Waxaa la wada eegay, dhegahana loo wada raariciyay Hooyo-Maleyko,taas oo tiri:-"Muna ha iska baxdo hadda; ha raacdo Ninka la siiyay; yeysan ka hor-imaan go'aanka Aabbaheed iyo Ducada Sheekha; annagana yeysan na ceebayn".
Muna ayaa waxay si kulul ula soo boodday:- " Inta aan Mahdi ka tago, miyaan raacayaa Bahalka uu Aabbahay iiga beeciyay sidii Sac oo kale...?!!". Hooyo-Malayko ayaa tiri:- "I sug hee aan dhammeeyee Warka...Adigu hadda iska raac Ninkaas...lana soo dhaqan inta uu Mahdi ka sii dhamaysanayo Waxbarashadiisa, uuna ka noqonayo Nin wax-bartay, oo iskiis u shaqaysta...markaas ayuu wax ku anfici karaa adigana,maxaa yeelay hadda waxaad u eg-tihiin:- "Laba wada qaawan isma qaaddo".
Muna:-"Muddada intaas la eg, ee uu Mahdi gaarayo heerka aad tilmaantay,sow aniguna sii noqon maayo habar ballaaratay, Caruur badan leh, Naasuhuna ay soo dhaceen oo Dhabar weyn...markaas ka-dibse ma i oggolaanayaa Mahdi ? Muxuuse igu falayaa bay kula tahay hooyo "?!!.
Hooyo-Malayko:-"Wax waa kugu falaa,weliba waa kugu farxaa, oo kugu faanaa..yaase yiri:-Habar wax laguma falaayo,Faaduma-Rasuule ?!!. Aabbe-Muuse:-"Waqtiga aad ka hadlaysaan ha la gaaree,horta waxaad hadda ka talisaan sidii aan uga luga-bixi lahayn Mixnada na heysata,illayn Mija Dhooqo marba mid baa la bixiyaaye".
Muna:-"Hooyo-Malaykaay, haddii aan hadda raaco taladaada, oo sidii Xoolaha iska daba-galo Ninkaas, yaa ii ballan-qaadi karaya hadhow : in uusan Mahdi Gabar kale guursanayn, ina sugayo Aniga, ilaa aan ka soo luga-baxayo Mooge, muddo kastaaba ha igu qaadatee "?!!.
Hooyo-Malayko:-"Taas ballan waaye,adigu waxaad tahay Naag Ina-sheekh ah, qurux iyo qiimo dadnimana mid kugu gaaraysa ma jirto,..gabarnimo iyo garoobnimo intaba waad ku leedahay qaddarintaada". Aabbe-Muuse:-"Ballan ma qaadi karno, waase dadaalaynaa oo kula duubanaynaa; Sida ay mustaqbalka wax noqon doonaanna Allaa og,laakin Niyadda ayaannu kugu haynaynaa oo joogto kuu tirsanaynaa".
Intaas ka-dib Muna ayaa waxay codsatay in ay iyada iyo Mahdi si gaar ah u faqaan(showraan), dabadeedna waxay isla galeen qol gaar ah oo kale, waxayna ku wada hadleen:- Muna:-"Aboowe Mahdi,anigu wuxuu go'aankaygu ahaa in aannu isla-baxsanno oo waad ogayd, haddana waad maqlaysaa talada ay soo jeedisay Hooyo-Malayko,maxay kula tahay adigu Macaanow,maad hadashid "?.
Mahdi:-"Wallaahi Abbaayo, waxaa la yiri:-wax aan la huri doonin, laguma darsado Habaar waalid"..."Waxaan ku qasbannahay talada hooyo-Malayko,waayo kharaj xoog leh oo aan ku baxsanno, waxna ku qabsanno ma heysanno, Sheekh-Maygaagna Inkaar buu naga soo daba tuurayaa,Hees Banaadiri ahna waxay tiraahdaa:-"Habaar waalid Nin qaba, habeen iyo maalin ma harsado, isagaa isla hadlaa".
Muna:-"Waan kula gartay, laakin haddii aan raaco Taladaas,ma adiga ayaa hadhow i oggolaanaya aniga oo la i soo naagaystay,watana caruur uu Nin kale leeyahay, miyaadse i sii sugaysaa muddadaas "?.(iyada oo dib u ilmaynaysa): Mahdiyow sow aniga dabadey kuma ay caashaqi karayso Gabar kale, haddii aniga meesha la iga waayo"?!!.
Mahdi:-"Micna ma leh, qaddar Allah ayaa nagu dhacay,waxaanse kuu ballan-qaadayaa in aanan garoobnimo kugu nici doonin,waqti kastoo ay noqotaba...halkan ayaad iga heli doontaa, haddii Alla idmo,wada-xiriirkuna hoos ahaan ha u socdo".
Muna iyo Mahdi ayaa inta ay hoos iska qooraansadaan isku soo boodaya oo is-dhudhunkanaya(is-Shumis cajiib ah),iyaga oo gacmaha is-heysta ayayna u imanaya Muuse iyo Malayko, una sheegayaan in ay waafaqeen taladii Hooyo-Malayko.
Aabbe-Muuse, ayaa gacmaha kor u taagaya oo ku ducaynayo:-"Tawfiiqda Allaha na waafajiyo, Allaa mahad leh...". Muna waa la sii sagootiyay, dhankii gurigooda ayayna aadday,walow ay caga-jiidaysay oo murugaysnayd. Mahdina waxaa uu niyadda hoose ka lahaa:-"Anna waan ku sugayaaye, soo noqo adoo nabad ah".
Aabbe-Muuse, dhanka Suuqa ayuu isaga dhaqaaqay,Mahdina qolkiisii buu ku noqday,isaga oo aad u fekeraya,laakin Hooyo-Malayko Gambarkeedii weynaa ayay inta ku fariisatay,waxay bilowday -sidii caadadeed ahayd- in ay ku luuqayso:-"Abaay-Sitiyey, Abaay-Sitiyey,Nuurkeeda Mukhtaar Batuula-Nabi".
"Maanaay-Sahraay,Maanaay-Sahraay, Macsharkii Mara-laay,Midigtaayna qabo" iwm.waayo, waxaa ay habartu horjooge u ahayd koox-haween xusulla-baruur ah, oo khamiistii kasta inta ay gurigeeda ku kulmaan sidaas ku dikriya,kuna Bun iyo Cambuulo cuna, dabeedna khayr ku ducaysta. '
Akhriso Qeybta 1-aad
Akhriso Qeybta 2-aad
Akhriso Qeybta 3-aad
Akhriso Qeybta 4-aad
LA SOCO QEYBTA 6-aad...
WQ/-Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)
Wararkii Hore
|
|
|
SUBACA Qur`anka (114) 
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
|