BAAHI DIIMEED!
Codsi ku socda dhamaan walaalaha Muslimiinta ee Somaliyeed
B/weyne, Somaliya (Calanka.com) 23-April-08 Anagoo ah Haweenka muslimaadka gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada B/weyne waxaan codsaneynaa oo aan ka codsaneynaa dhamaan walaalaheena muslimiinta iyo muslimaadka ah Meel kasto ha joogaane in aad naga caawisaan dhanka waxbarasha ee daraasaadka diiniga ah ee aan baahi weyn u qabno.
Maxaayeelay wali soo mamarin Haweenka Gobolka Hiiraan ee Muslimaadka ah (markas diini ah) oo u qaas ah oo ay leeyihiin gabdhaha muminaadka ah kaasoo ka kooban kutubo iyo cajalado nuuc walbo leh marka walaalaha muslimiinta ah iyo kuwa muslimaadka ah fadlan noo faa'ideya ilaah ha'idin koryeelee maadaama waxa ugu muhiinsan ee laysku caawiyo ay tahay arrimaha diinta Rasuulkana (NNKH) uu faray in laysku caawiyo.
Sababta keentay in aan codsigan u soo gudbino walaalaha musliminta iyo muslimaadka ayaa ah ka dib gabdhaheena mu'minaadka ah oo intooda badan haaya shaqo ay ku raadinayaan qutul-daruurigooda maalineed waqti walbana aan firaaqo helaynin islamarkaana waqti isku mid ah oo ay daraasaadka kala faa'ideystaan lahayn ayaa keentay in ay codsigaan u soo qortaan walaalahooda maanta heli karo in ay u furaan (Markas Diini ah) oo ay qoloba waqtigey fursad hesho ka faa'ideysato waxaana fileynaa in aad arrintani gacan naga siin doontaan insha allaah.
Waad mahadsantihiin
Codsigaan waxaa si wada jir ah u soo qoray gabdhaha mu'minaadka ee gobolka hiiraan kuwaasoo kala ah:-