Spain
oo codsi ku aadan markab Somaliya looga haysto u dirtay dowladaha Mareykan & Fransiska
Cape-Town, S/Afrika (Calanka.com) 23-April-08 Dowlada Spian ayaa ka codsay dalalka Mareykanka iyo Faransiska in ay gacan ka siiyaan sidii loo soo badbaadin lahaa shaqaalaha dul saaran Dooni Nooca Kaluumeysiga ah oo buracd budeed Soomaali ah maalintii daraad ku afduubteen xeebaha Soomaaliya .
Dooni nooca Kaluumeysiga oo dalkaasi laga leeyahay ayaa la xaqiijiyay in lagu afduubtay meel ka mid ah xeebaha Soomaaliya iyadoo Doonida ay saaran yihiin illaa 26-shaqaale.
Afhayeen u hadlay Xukuumada Madrid ayaa Wakaalada wararla AFP u sheegay in fariin ay u direen dalaka Mareykanka iyo Faransiiska taasi oo ah mid dublamaasi oo la xariirta gacan ka siinta Madrid sidii ay u soo furan laheyd Doonidaasi .
Dalalka Mareykanka iyo Faransiiska ayaa lagu waramay in haatan maraakiib dagaal ka joogaan xeebaha Soomaaliya kuwaasi la dagaalama mooryaan badeedka .
Burcad badeedka Soomaaliyed ayaa axadii afduubtay Doonidaasi Kaluumeysi iyadoo shaqaalaha saaran ay ukala dhasheen Spian halka 13-kale ay ka soo jeedaan dalal African ah .
Dowlada Spain ayaa ku baaqday in xal deg deg ah loo helo arinta afduubka Doonidaasi ka hor inta aysan qaadin talaabno adag , waxaana lagu waramay in Markab dagaal ay u soo diraty xeebaha Soomaaliya.
Dhanka kale ciidamada Maamulka Puntland ayaa jiiray Dooni uu ka dulbabanayay Calanka Imaadaardka Carabta kaasi oo ay qabsadeen koox burcad bacdeed ah .
Dagaal yar ayaa lagu waramay in uu dhexmaray ciidamada iyo burcad badeedka , iyadoo lagu waramay in Doonidaasi ay siday cunooyin beec ah waxaan lagu afduubtay meel u dhaw xeebta Bosaso .
Cismaan Xasan Cali (Fantastic) ossmanfantastic@hotmail.com
Xafiiska Calanka Ee S/Africa