Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Shuban-biyood ka dilaacay Moqokori


B/weyne, Somaliya (Calanka.com) 23-April-08

Wararka naga soo gaarayo tuulada Moqokori ee hoostagta gegmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegayo in 4 qofood ay u dhinteen cudurka shubanka tiro kale oo kor u dhaafayso 67na ay la ildaranyihiin cudurkaasi.

24-kii saac ee la soo dhaafay dadka uu soo ridanayo cudurka shubanka ayaa la sheegayaa in ay u badan yihiin caruur iyo dad da'ah kuwaa soo ku nool deegaanada baadiyaha ah ee degmada maxaas mana muqato dadaal caafimaad oo dadkaasi wax loogu qabanayo waxaana haatan la sheegayaa in tirada dhimashada laga yaabo in ay sii korodho maadaama wax gar gaar caafimaad ah oo aanu jirin awgeed iyadoo saacad saacad dadku ay u kala qaadayaan sida aan warku ku heleyno.

Cudurka shuban biyoodka ayaa la sheegay in uu si saa'id ah faro kulu ugu haayo dadka deegaankaasi walow gargaar caafimaad oo tayeysan islamarkaana loo baahayahay aysan ka jirin deegaadaasi waxaan haatan ehelada dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ee ku sugan magaalada b/weyne ay wadaan sidii ay daawoyin u gaarsiin lahaayeen ugu dhiibayaan kuwaa soo jaabkooda ay ka soo gadeen.

Dadka ayaa waxaa ay is weydiinyaan maadaama hay'addo ku shaqo leh howlaha caafimaadka ay ku sugan yihiin gobolka waxa sababay in aysan wax gacan ah ka geysanin arrintan.

Xaalada caafimaad ee Degmada Maxaas iyo Tuulooyinka hoos yimaada ayaa laga deyrinyaa maadaama xiligu uu yahay mid kulul Abaarana ay ka jiraan goobahaasi, Biyaha ay dadku cabayaan ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay wasaqeysan yihiin taasoo Dhaqaatiirtu ka deyriyeen lagana cabsi qabo in uu sii faafo cudurka.

Ma'ahan markii ugu horeysay oo lagu arko cudurkan deegaanada hoos yimaado degmada maxaas ee gobolkan hiiraan iyadoo bilowgii sanadkan sidan oo kale ila dhowr qofood oo caruur u badan uu ku dilay halkaasi waxaana badanaa lagu arkaa deegaanadaasi cudurkan shuban biyoodka ah xiliyada kuleelaha iyadoo dadku aysan ka gaashaaman saamaxaayeelay waxaa iskula kulmay abaaro colaado iyo sicir barar xoogan.

ilyaas axmed cilmi
guute@hotmail.com
calanka.com
B/weyne

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]