Oslo, Norway (Calanka.com) 23-April-08 Senator Hillary Clinton ayaa saacadahii oogu dambeysay ku guuleysatay doorashadii Gobolka(Pennsylvania} sidii horey loo saadaaliyay,kadib markii ay heshay codad-gaaraya 55%-Cod (Vote).
Senator Barack Obama ayaa helay codad-gaaraya 45%,wuxuuna kula dar-daarmay taageerayaashiisa inay muujiyaan niyad-wanaag,maadaama uu weli si weyn ooga horeeyo Haweeneydan,inkastoo ay soo rogaal-celisay.
Xeeldheerayaasha Mareykanka ee isha-ku-haya doorashada ayaa saadaalinaya hadii ay dhacdo inay doorashada si lama filaan ah oogu guuleysato Senator Hillary,markaas waxaa la saadaalinayaa in Senatorka Xisbiga Repuplicanka ee John Maccain inuu si xarago leh ooga guuleysan-doono haweeneydan ,balse hadii ay dhacdo inuu soo baxo sida ay jeclaan-lahaayeen inta badan Xisbiga Democratiska Senator Barack Obama,markaas waxaa la filayaa in John Maccain afka ciida loo daro.
Xarig-jiidka labadan Musharax ayaa laga shaki-qabaa inuu kala-jab u keeno Xisbiga Demokratiska,waxayna dhaawacaysaa sumcada xisbiga,hadii aan la kala saarin inkastoo lagu rajo-weyn-yahay in Bisha Agoosto ee sanadkan ay kala saari doonaan Xubnaha oogu tunka-weyn Xisbiga Demokraatiska ee loo yaqaan (Super-Delagates}maadaama ay adag-tahay inuu midkood helo codadka laga doonayo ee 2025-Vote.