Buufiska
Somalida S/Afrika
Cape-Town, S/Afrika (Calanka.com) 23-April-08
Tan iyo intii dalka laga soo qaxay, oo wadamo baddan oo shisheeye Soomaalidu kala baahday, oo dalkani Koonfurta Afrika ka midka yahay wadamada shisheeyee ee loo qaxay, ayaa waxaa Soomalida lasoo gudboonatay dhibaatooyin kala duwan. Dhibaatooyinkaasi sheegistooda waqti baddan isaga lumin maayo maadaamaa wax la wada ogyahay eey yihiin, taasi badalkeeda waxaan maqaalkani xooga ku saarayaa, waxa sideedaba naga dhigey bartilmaameed jilicsan.
Horta muuqaal ahaan dadka dalka ku nool ee la yaqaano waan ka duwanahay, waxaan kaloo ka duwanahay dadka dalka usoo haajira ee shisheeyaha ah, waayo qof kasta oo ajnabi ah oo dalkani yimaado, jinsiyad kasta ha lahaado, waxaa jirra (qowmiyad) isaga eey isu egyihiin oo dalkani deegaan ka ah.
Haddii qofka uu ka yimid wadamadan AFrikanka ah ee (Zimbabwe ama Congo) waxaa jirra dad muuqaal ahaan aanan laga soo dhexsaari Karin,, lagana yaabo in durbaba uu luuqadooda ku hadlo, haddii uu qofka ka yimaado Asia dalkuu dooniba ha ahaadee, Bangaladesh, Pakistan, India waxaa jirra dad eey isku luuqad iyo isku midab yihiin oo dalka degan, haddii uu qof ka yimaado Europe ama wadamada galbeedka ah oo cadaan ah, iyadana waa la mid , Anaga haddii aan Soomaali nahay ma jirto cid nala midab ah ama nala Af ah.
Astaanta kaliya ee aan dad dalka u dhashay aan la wadaagno waa Islaamnimada oo iyadu wax baddan noo suurogalisey, yaanan hilmaamin dadka kaliya ee ajaaniibta ah ee eysan jirin dad eey isku midab yihiin oo dalka kaga soo horeeyey sida anaga oo kale waa dadka Shiinaha ka yimaada, balse iyaga laftooda farqi weyn ayaa noo dhaxeeya iyaga iyo anaga, waayo iyaga waa dad hanti la yimaada oo magaalooyinka oo kaliya ka ganacsada, dhibka aan anaga aragnana nalama wadaagaan.
Tuducaasi kore waa xaqiiqda jirta oo aan sinaba loo fogaan Karin, balse ka waran tusaalayaashan hoos ku qoran:
1- kawaran ninka Soomaaliga ah, ee chips-ka ku wareejinaya xarun gaadiidka laga raaco oo ku taala Belville, Cape Town oo cadey dheer afka ku heysta oo cadayanaya suuqa dhexdiisa, oo candhuufta baqta ku haya, oo misane wax iibsanaya oo leh “chips,chips, chips”. Ee markii dadkii baabuurta raacayay, iyo wadayaashii gaadiidka la yeebeen, inta kusoo xoomeen, qabtay oo garaacay, illaa Police-ka uu kasoo gaaray?. Bal waran arrintaasi, waa mid xaqiiqo ah oo dhacday, fariin ceynkee ah ayay naga gudbineysaa?.
2- Ka waran ninka Soomaaliga ah ee boostajada tareenka taagan xilli qaboobe ah, oo barafka da’ayo, oo dacaska xiran , ee rakaabkii oo dhan indhaha la raacayaan, ee aan waxaasba dan ka lahayn, ee indhaha cirka u taagaya?.
3- Ka waran ninka Soomaaliga ah ee caasi laga buuxo saaran, ee gacantiisa ku siinsanaya, ee fiifta ku haaya, ee subixii dambe wargeyska lagu soo qorey, waayo waxaa la saarnaa nin wariye ah, oo dhaqankiisa aad ola yaabay?. Arrintani (Port Elisebeth) ayay ka dhacday, waxaa kaaga daran dadkii gaariga la saarnaa oo dhan ayaa isaga ku sheekeysanaya, mana fahmayo.
4- Ka waran ninka Soomaaliga ah ee dukaanka iibinaya ee haweeney Custom ah oo wax ka iibsan rabtay, Sanka ka heysta oo “Ufta guraya”, waayo qofka dumarka ayaa waxoogaa ka shiirayaan, ee markii dambe inta xaafadii oo dhan naagtii u yeertey dukaankii laga eryay, lana xirey, ee lagu yiri anaga midab takoor wuu nasoo daashaday ee qof sanka naga heysta nala degenaan maayo?,. Arrintani waxa eey ka dhacday gobolka (North West, ee Magalada Mofikeng) .
5- Ka waran ninka Soomaaliga ah ee haweeney dukaanka oga shaqaeyneysay, iyadoo foorarta gadaal kaga tagay, isagoon afgaranin, ee marka uu howsha dhexda marinayo inta isla naagtii gacanta kaga qabatay, la gorgortantay, ee lacag ogolaaday, ee markii la gaaray xiligii uu lacagta bixin lahaa diidey, ee subixii dambe inta Police loo keensaday ee maxkamad la geeyey ee Kufsi lagu xukumey, ee markii dambe damiin lagu daayay, ee markaasi dalka ka baxsaday.? Fariin ceynkee ayuu gudbinayaa, arrintani waa mid jirta waxayna ka dhacday tuulo Magalada Rustrenburg 90km u jirta oo la yiraahdo Muruley.
6- Ka waran ninka Soomaaliga ah ee nin kale oo shisheeye ah kaga shakiyey in uu diley nin Soomaali ah oo eey qaraabo ahaayeen, oo u adeegsaday rag burcad ah oo dalka u dhashay, inta uu lacag baddan siiyey yiri ninkaasi soo dilla, ee inta nimankii tuugada ahaa ninkii loo direy u tageen ku yiri “hayeh lacagtan ayaa nalagu soo siiyey in aan ku dilno, ee maxaad isku badbaadineysaa?”,
ee inta ninkii la dili lahaa tuugada lacag baddan u balan qaaday, soo noqdana ku yiri markii eey ka tageen Police-ka wacday ee nimankii iyo Soomaaligii soo direyba xabsiga la dhigey, maxkamadna lasoo taagey, taasina ey ka dhalatay in dawlada tiraahdo Soomaalida iyadaaba ganacsi darteed isu disha ee dadka dalka dambi ma lahan, waayo ninka dacwoodey wuxuu ahaa mid ka mid qowmiyadana nalagu qaldo ee gobolka geeska Afrika aan iskala nimaadno, markii dambe ninkii Soomaaliga ahaa damiin lagu siidayay, kadibna dalka oo dhan ka baxsaday, ee isla tuugadii uu falka u adeegsaday inta waxa dhacay ka caroodeen markii dambe diley isla ninkii aabihiis oo dukaan joogey?. Waligaa qorshe ka xun, oo ka qaab daran miyaad aragtey, ma kula aheyd dad sidaasi daciifka ah u fakara in eey dadkeena ku jiraan, mise laga yaabaa in aad dadkaasi ka mid tahay oo aadan ku baraarugsanay?.
7- Ka waran ninka Soomaaliga ah ee inta wuxuu lacag heystey Buufis ku bixiyey, oo markii uu duuley, kana degay garoon Brazil ku yaala gacmaha taagtey, oo yiri qaxootibaan ahay, ha la’i qaabilo, ee lasoo celiyey?. Sow kaasi lama mid ahan midka inta niman Hindi ah lacag siiyey ku yiri Australia igeeyaa ee inta magalada Durban markab laga saaray, marka Cape Town la maraayo lagu yiri waatan Australia ee deg, ee marka uu dhulka yimid gacmaha taagtey ee yiri qaxooti ayaan ahay ee ha la’i qaabilo?hadaba waxaas oo dhibaatooyin ah ayeey qabaan soomalida ku dhaqan dalka koonfur afrika. lamana garanayo in ay aqoon daro hayso iyo in ay ka tahay dhaqan soo jireen ah walow dadka soomalida ay yihiin dad lagu bartey dhaqan wanaagsan hadana waxaad ku aarkeysa markad timaado dalkan koonfur afrika dhaqano aan hore lagu aqoon soomaalida.
SI KASTABA HA AHAATEE SOOMALIDA KU DHAQAN DALKA KOONFUR AFRIKA AYAA LOO AANEYNAYAA DHIBATOOYINKA LA SOO GUDBOONADA IN AY SABAAB UU YIHIIN QODOBADA AAN KU SOO XUSNEY MAQAALKAN.
W/D Hassan Yeey
South-Africa
email:yeey18@hotmail.com
Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)
Wararkii Hore
|
|
|
SUBACA Qur`anka (114) 
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
|