Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Weerar lagu qaaday ciidamo Itobian ah oo ku sugnaa B/burte


B/weyne, Somaliya (Calanka.com) 23-April-08

Dagaal xoogan ayaa xalay waxaa lagu qaaday fariisimada ay ciidamada Ethiopianka ku leeyihiin gudaha degmada buula burde ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalka laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan sida aan warka ku helayno.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dagaalka uu u dhaxeeyay Ciidamada Ehiopia iyo xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda joogitaankooda,waxaana gudaha iyo daafaha Maqaalada laga maqlayaa daryanka madaafiicda nuucyadeeda kala duwan iyadoo wariye madaxbanaan oo degmadaasi ku sugan uu ii cadeeyay in fariisimada ciidamda Ethiopia lagu weeraray hoobiyayaal waxaana markii dambe dagaalku uu isku badalay mid gacanta laysugula tagay walow aan la cadeyn karin qasaaraha labada dhinac.

Magaalada ayaa waxaa ay ahayd mid haawaneyso xilliga uu dagaalku ka qarxayay oo horay dadkii dagaanaa ugu barokaceyn taasina waxaa la sheegay in aysan jirin qasaaro soo gaaray dad rayid ah marka laga reebo wiilal dhalinyaro ah oo guryaha qaar waardiyo ka ahaa iyagoo dagaalka ka baxsanayay la sheegay in ay qabteen ciidamada Ethiopia iyo labo nin oo sidoo kale la sheegay in ay guryaha kala baxeeyn ethiopianka walow saakay intii badnayd dadkii ay xalay qabteen ciidamada Ethiopia ay sii daayeen.

Tani oo kale marka ay dhacdo ayay ciidamada Ethiopianka waxa ay ku jawaabaan dilal fool xun iyo xasuuq ba'an sida ka dhacay magaalada muqdisho oo kale iyadoo in ka badan 20 qof oo culumo ah lagu qowracay degmada hilwaa masjid ku yaalay.

Dagaalkaan oo socda mudo gaaban ayaa noqonayo midkii ugu horeeyay oo xilli habeen ah lagu qaado weerar gaadmo noocan oo kala ah fariisimada ciidamada Ethiopianka ay ku leeyihiin gudahaa iyo daafaha Degmada Buula burde ee Gobolka Hiiran waxaana ku soo beegmayaa xilli wax maamul ah uusan ka shaqeynin Gudaha Gobolka Hiiraan iyo xili dadkii daganaa degmadaasi ay isaga carareen guryahooda.

ilyaas axmed cilmi
guute@hotmail.com
calanka.com
B/weyne

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]