Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Meydad hor leh oo laga helay deg. Huriwaa


Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 23-April-08

Saaka ayaa goobohii ay dagaaladu ka dheceen dhawaan waxaa laga helay tiro kale oo maydad ah kuwaasoo ku dhintay dagaaladii fool ka foolka ahaa ee degaankaasi ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Itobiya oo isgarabsanayay iyo xoogaga kasoo horjeeda.

Ciidamada Dowlada itoobiya ee saakay isaga baxay deegaano Farabadan oo ay ka mid yihiin suuqa Xoolaha Alqeyraad, waxarcade iyo xaafado kale ayaa ku sugnaa xaafadahaasi maalmihii ugu danbeeyay kadib markii ey dagaalo xaagano ku dhexmareen iyaga iyo kooxda Al-shabaab.

Deegaanada ay saaka ka gurteen Ciidamadani oo ey ka mid tahay geedaanka Waxar-Cadde ayaa waxaa laga helay meeydad hor leh oo gaaraya 4 qofood, waxaana dhanka kale degan xaalada degaanadasi iminka.

Safar indha indheyn ah oo shabakadda calanka ku tagay goobihii ay ka baxen Ciidamada ayaa waxaa uu inoo sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka in uu indhihiisa ku arkay Ilaa iyo todoba ruux oo rayid ah islamarkaana laga soo bixiyay goob udhow meel uu ku sheegay in ay fariisin u aheyd ciidamada islamarkaana qaarkood la aqoonsan waayay halka qaarka kale la Aqoonsaday.

Isku soo wada duub, meydadkii shalayto laga soobixiyay goobaha lagu dagaalamay ayaa tiradoodu waxa ay gaareysay 8 halka kuwa maanta la arkay ay iyana gaareyaan tiradooda 7 iskudarkooda ayaa waxaa ay noqonayaan 15-Ruux iyadoo ay isi sootarayaan meydadka la helayo lamana oga ilaa iyo iminka inta ku jirta meelaha aan wali lagalin laguna sameyn baaritaan.

C/laahi Xasan Baliil
Baliilkhan10@hotmail.Com

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]