Qaliinkii Cibaado
oo lagu guuleystay
Nairobi, Kenya (Calanka.com) 23-April-08
Cibaado Maxamuud Jaamac oo dhib ku qabtay buro-weyn oo nafteeda halis gelisay,ayaa nasiib-wanaag lagu guuleystay qaliin lagu sameeyay mahada ILAAHAY,waxaana lagu qalay University dental Hospital (Kenya-Nairobi},gabadhaan ayaa durba muuqaalkeedii isu bedelay weji yar waloow ay u baahan tahay dawooyin xoogan oo dhinaca neerfaha ka caawiya iyo sidoo kale inay Isbitaalka jiifto mudo si loola socda Xaaladeeda Caafimaad.
Cibaado Maxamud Jaamac ayaa markii ugu horeysay lagu guuleeystay qaliin looga sameeyay buro weyn oo qarisay wejigeeda iyo dhuunteeda,taas oo mudo badan ka laalaaday.
Gabadha Soomaaliyeed ayey dhaqaatiirtii qaliinka ku sameeyneysay walaac ka muujiyeen suurtagalnimada in buradda weyn ee ka laalaado laga jaro,waxaana qaliinkeeda ka hor looga quraan akhriyay mashaa'iqda Soomaaliyeed ee Nairobi ku nool,in ilaaheey saqiro operation-ka lagu sameeynayay Cibaado.
Dhaqaatiirta qaliinka fulisay ayaa wax laga muraalo dilaacay ku sifeeyay buradda weyn ee laga jaray gabadha Soomaaliyeed,iyagoo ku sifeeyay imtixaan alle,oo mudan in lagu shugriyo guusha laga gaaray.
Qoyska iyo Qarabada gacanta ku haya Dhibane Cibaado ayaa mahad-balaaran aan la soo koobi-karin u soo jeediyay dhamaan Umadii Soomaaliyeed ee ka qayb qaadatay gurmadka gabadhooda,iyagoo sidoo kale mahad-gaar-ah u soo jeediyay Bahda-Saxaafada Soomaalida oo Shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigay dhibaatada gabadhan heysatay.
Fadlan hadii aad dooneysid,inaad wax ka bixisid deymaha lagu leeyahay Cibaado ee dhinaca Isbitaalka u dir kaalmadaada,gacana ka geyso sidii dibada loogu qaadi lahaa.lana xiriir Hassan Omar Mohamed ,tel:-00254722581728 Nairobi-Kenya.
Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)
Wararkii Hore
|
|
|
SUBACA Qur`anka (114) 
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
|