Danjire Bari-Bari
oo rajo ka muujiyay xiriirka Somaliya iyo Italy
Cape-Town, S/Afrika (Calanka.com) 24-April-08 Safiirka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobay ee Chineva Yuusuf Bari Bari ayaa muujiyay rajada uu ka qabo in hogaanka fulinta dalka Talyaaniga ee cusub in ay u ku dhaqaaqaan sidii ay furi lahyed wadahadalo laba geesood ah oo lala galo dowlada KMG ah ee Soomaaliya.
"Talyaaniga xariir qota dheer ayaa nagala dhaxeeya sidaa darteed waxaan dooneynaa in aynu ka hortagno dhibaatooyinka , iyo in aynu wada fariisano si looga hadlo habka ugu wanaagsan ee horay loogu sii riixi karo ama loogu si dar dar galin karo calaaqaadka labada dhinac oo ku aadan guud ahaan dhinacyo kala duwan"sidaa waxaa yiri Bari Bari oo u Waramayay wakaalada wararaka Talyaaniga .
Danijire Yuusuf Bari Bari ayaa isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo midka madaxweynaha dowlada KMG waxa uu uu rajeeyay hogaamiyaha isbaheysiga midig dhexe Salvio Barleconi in uu guulo ka soo hoyiyo howsha culus ee cusub .
Waxa uuna ugu baaqay in ajandaaysha koowaad ee uu qaadayo in uu muhiimada ku saaro xaaladda dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyanaiga , dhaqan gilinta iyo wanaajinta xariirka diblamaasi iyo in ay difacaan hay`kalka dowlada KMG .
Dalalka Talyanaiga , MIdowga Yurub , Jaamacadda Carabta , Qaramada Midoobay , dallaka Shiinaha , Japan , Swizarland iyo Hindiya iyo guud ahaan dalalka saaxibada la ah Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay taageraan hindisaha dowlada KMG ee ah dhismaha xoogag amaan (Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay)oo ilaaliya amaanka dalka iyo sidii dadka Soomalaiyeed gacan uga siiyaan la dagaalanka abaarta iyo guud ahaan musiibooyinka dabiiciga ah iyo taageerada nabadda .
Waxaa xusid mudan in hataan Soomaaliya ay ka howl galaan ciidamo ka socda Miwdoga Africa kuwaasi oo Soomaaliya ka tagaeera ka hor tagidda dhibaatooyinka deegaan iyo kuwa dabiiciga ah .