Oslo, Norway (Calanka.com) 24-April-08 Maroodi waashay ayaa weerar ku soo qaaday halkaasna ku dilay 3-Qofood oo ku sugnaa xarun ay ku cibaadeystaan Wadaado Hindi ah oo aaminsan Diinta Hinduuga (Sanab-Caabudayaal}oo ku-taal Koonfurta Hindiya.
Maroodiga ayaa xoog ku soo galay xarunta,waxayna dadkii bilaabeen inay kala caraaraan,isagoo jeego-dharbaax iyo haraati ku bilaabay qof dumar ah,kadibna wuxuu caradiisii kula dul kufay labo-nin oo damcay inay bad-baadiyaan haweeneydii,halkaasna wuxuu ku dilay sadexdoodii,wuxuuna dhaawac soo gaarsiiyay dhawr qofood oo ku sugnaa xaruntan lagu cibaadeysanayey (Temple).
Teleefishinada dalka Hindiya ayaa lagu soo bandhigay filin naxdin iyo murugo leh oo muujinaya Maroodiga oo si xun u dilaya haraantina la dhacaya dadkii uu dilay,isagoo iska dhago-tirayay qeyladii iyo sawaxankii ay ku dhawaaqayeen Dadweynihii ku sugnaa Xarunta.
Maroodigan ayaa markii dambe lagu dhuftay cirbad sumeysan,kadibna waxaa la geeyay xarumaha lagu xanaaneeyo Maroodiyada.