London, UK (Calanka.com) 24-April-08 Sida ey qortay jariiradda Daily Mail ee kasoo baxda cariga Ingriiska ayaa waxaa lagu qabtay train dhexdiis ra`iisal wasaarihii hore ee dalkaasi Britain Tony Blair asaga oo tigid la`aan ah kadib markii ey u yimideen kuwa tigidhada baara.
Tony Blair ayaa sabab uga dhigay tigid la`aantiisa in uusan haysan markaasi wax lacag ah, jeebadiisuna ey marnaayeen, wuxuuna kusii jeeday markii la qabanayay Airborka caalamiga ah ee Heathrow ee magaalada London.
Blair oo ah nin lacag badan oo malaayiin gaareysa ka shaqeystay qudbadaha uu ka jeediyo meelo kala duwan kadib markii uu ka dagay jagada ra`iisal wasaarenimo ee dalka Britain ayaa dadka reer Uk layaab ku noqotay fadeexada lasoo daristay masuulkii hore ee Britain.
Markii la qabanayay ayaa waxaa dad badani oo goob joog ahaayeen isku dayeen in ey ka bixiyaan lacagta masuulkan lagu dhaganyahay, waxaana tigid baarihii ku dhaganaa Blair uu doorbiday in uu iska sii daayo.