 SUBACA Qur`anka(114)
(Riix halkan)
|
|
|
3-Somali ah
oo lagu toogtay S/Afrika
- 2-dhimatay
Johansberg, S/Afrika (Calanka.com) 24-April-08
Waxaa maanta lagu wadaa Johannesburg in lagu aaso labo muwadiin Soomaali ah, halka qof sedexaadna oo Soomali ah isbitaal la dhigey dhaawacyo xabadeed oo gaaray.
Hadaba dhibanayaasha ayaa ku waxyeeloobey dhacdooyin kala duwan oo ka kala dhacay meelo kala duwan oo dalka koonfur afrika. ka tirsan.
Hire Cabdi Digaale, iyo Shariif Axmed Maxamed ayaa ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la aasayo maanta, halka C/Laahi Sh. Dirac isagana la dhigey isbitaal magalada Port Elisebeth ku yaala kadib dhaawac kooxo hubeysan ay u geysteen owgood.
Marxuum Hire Cabdi Digaale ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku jirrey isbitaal Johannesburg ku yaala kadib markii eey kooxo hubeysan xilli habeen ah dhexda u galeen 20 April isagoo ku safrayay wadada u dhaxaysa magalooyinka Rustenburg iyo Johannesburg, goortaas oo eey ka dhaceen lacag ka baddan R80,000, isla markaasina gaarsiiyeen dhaawac daran oo xagga caloosha ah, 3 maalmood oo uu isbitaalka jiifey ayaa qaliin lagu sameeyey labo jeer, hase yeeshee markii dambe uu u geeriyoodey dhaawacii soo gaaray.
Marxuumka Labaad
Shariif Axmed Maxamed oo ah nin dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa dalka joogey muddo bil ka yar, waxaana rag hubeysan eey xalayto ku dileen tuulada Sikani ee u dhow magalada johanesburg oo ka tirsan gobolka Gauteng, Waxaana Weerar aan loo meel dayin ku soo qaaday kooxo hubeysan oo marxuumka tacshiraad kala eegteyn wadnaha halkaasoo isla goobta uu ku geeriiyoodey marxuumka Lamana Garanayo Sabaabta Ka Dambeysa dilkaas.
Dhinaca kale C/laahi dirac oo ah ninka dhaawacmay, ayaa la sheegey in rag hubeysani oo dhac u geysanayay dukaan uu joogey eey dhaawaceen, iminkana uu jiifo isbitaal ku yaala magalada Port Elisaberth.
Aaska marxuumiinta ayaa lagu wadaa in uu maanta ka dhaco qabuuraha Kromvlei ee u dhow xaafada muslimiinta eey degaan ee Lanazia , waxaana la filayaa in eey ka qeyb galaan Kumanaan Soomaali ah oo baroordiiqaya. Janaasada ayaa waxa lagu tukan doonaa masjidka shaafici ee xaafada Mayfair ee Magalada Johannesburg.
Si Kastaba ha ahaatee Ma jirto qof loo qabtay illaa iyo hadda dilka labbadani qof iyo qofka dhawacmey Mana Jirrto Jaliyaddo Xaqooda uu Doodeysa Wallow Jaliyaddaha Ka dhisan Guud Ahaan Dalka Koonfur Africa Ay Yihiin Kuwa Ku Qaraabta Magac Jaliyaddaha Soomaliyeed.
W/D Hassan Yeey
South-Africa
Johenesburg
yeey18@hotmail.com
Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)
Wararkii Hore
|
|
|
SUBACA Qur`anka (114) 
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
|
|