Salaad roob doon
ah oo laga tukaday gobolka Hiiraan
B/weyne, Somaliya (Calanka.com) 24-April-08 Salaad Roob Doon ah ayaa maanta laga Dukaday dhulka banaan ah oo ka baxsan Tuulada halgan ee hoos tagto degmada buulo-burte gobolkan Hiiraan.
Tuuladan halgan ayaa waxaa ay ka mid tahay goobaha ay saameysay abaarta inta badan halakeysay dalka iyadoo maanta salaad roob doon ah looga dukaday dhul banaan ah oo wax yar ka baxsan tuulada.
Banaan baxaan roob doonka ah ayaa waxaa ka hadlay mashaa'iq waa weyn oo si weyn looga yaqaano tuulooyinka hoos yimaado degmada buulo-burte ee gobolka hiiraan waxayna dadka u sheegeen in la badiyo alle bariga iyo cabsidiisa inkastoo salaadan roobdoonka ah horay loo sii cayimay sida ay ii sheegween qaar ka mid ah culumaa'u diinka soo qaban qaabiyay.
Dukadashada Salaadahani Roob doonka ah ayaa yimid ka dib markii ay gobolo iyo Degaano hoos taga degmada buulo-burte ee gobolkan hiiraan ay ku habsadeen Abaaro iyo biyo la’aan, waxaana deegaanada qaar laga soo sheegayaa in uu si weyn ugu dilaacay cudurka shuban biyoodka iyadoo degmaooyinka qaar ee gobolka sida Jalalaqsi iyo Maxaas dad kor u dhaafayo 70 ruux ay u dhinteen cudurkaasi 2dii isbuuc ee aynu soo dhaafnay.
Waxaa sii kordhaya Cabsida laga qabo nolosha Dadka iyo Duunyada meelaha qaar ee gobolkan hiiraan hadii ay biyo la’aanta iyo cudurkan shuban biyoodka sii jiraan.
Dhanka kale salaadan roob doonka ka dib tuulada Halgan iyo deegaanada u dhaw dhaw ee gobolkan hiiraan waxaa ka dhacay dibad-baxyo looga soo horjeedo xasuuqii culumaa'u diinka ee ka dhacay dhawaan magaalada muqdisho islamarkaana ay fuliyeen ciidamada ethiopia iyo sidoo kale joogitaanka ciidamada aethiopia degmada buulo-burte ee gobolkan Hiiraan .
Dibad baxan oo aad u balaarnaa islamarkaan ay ka soo qeyb galeen culumada odayaasha haweenka iyo dhalinyarada deegaanadaasi ayaa waxaa si weyn looga soo horjeeday xasuuqaasi waxayna sidoo kale codsadeen in ay ka baxaan ciidamada ethiopianka ah ee ku sugan degmada buulo-burte ee gobolka hiiraan maadaama ay dadka deganaa sida ay hadalka u dhigeen degmadaasi ka bara kiciyeen guryahoodii ciidamada ethiopianka.
ilyaas axmed cilmi guute@hotmail.com
calanka.com
B/weyne