Maxkamad ku dhagan
wiil khadka talefanka ku bikro-jabiyay gabar tunisian ah
Qahira, Masar (Calanka.com) 24-April-08 Dacwo la yaableh ayaa waxey ka dhacday dalka Tunisiya Kadib markii maxkamad halkaasi ku taal ku eedeysay wiil Tunisian ah in uu sabab u ahaa in ay bekradeeda weyso gabar ay saxiibo ahaayeen oo ay Khadka telefoneka saacado dheer habeenkii ku wada sheekeysan jireen.
Qoyska gabadhaan oo 20-jir ah ee ay dhibaatadu soo gaartay ayaa maxkamada hoose ee danbiyada ee dalka Tunisia u gudbiyeen dacwo ka dhan ah wiilkaan ayigoo sheegay in uu wiilkaani sameeyay Kufsi fog oo uu u isticmaalay telefoneka, waxeyna intaa raaciyeen in gabadhooda wiilkani ugu sheekeeyay dadalo kulul oo kiciyay dareenkeeda kuwaas oo dhaliyay in ay gacanteeda adeegsato islamarkaana ey bikrada iska jebiso.
Wiilkaan Tunisiga ah ee lugu eedeeyay in uu gabadhaan khadka Telefoneka ku Bekro-jabiyay oo 30-jir ah ayaa waxuu gaashaanka ku dhiftay in uu gabadhaan wax dhibaato ah u geestay kadib markii maxkamada la hor keenay, wuxuuna cadeeyay in uusan gabadhaan wiligiis gacantiisa ku taaban lakiin waxuu qiray in ay qeylisay habeen ay khadka telefonka sheeko mac ugu wada socotay iyadoo u sheegtay habeenkaas in uu dhiig ka yimid kadib markii ay sheekada la tagtay oo ay ku raaxeysatay ayna is hilmaamtay oo dareeenadeeda kacay.
Qareenka gabadhaan oo lugu magacaabo Mrs. Maha Mudiibic ayaa waxey maxkamada u sheegtay in ay hubto in ay gabadheen ku weysay bakradeeda habeen ka mid habeenada sheekooyinka kulul uu wiilkaani Khadka Telefoneka ugu sheekrryay, maadama sida ay sheegtay baaritaan gabadha lugu sameeyay uu sheegay in Mardhow gabadhaani gabarnimadeeda weysay, waxeyna intaas raacisay in ay habeenkaas isku sameysay waxii ay sameyn laheed habeenka Arooskeeda, waxeyna maxkamada ka Codsatay in wiilkaan lugu rido xukun adag si uu ugu noqdo tusaale dhalinyarada ku kaca falalka nuucaan oo kale ah.
Qaadiga maxkamada hoose ee dalka Tunis ayaa waxuu sheegay in ay tahay markii ugu horeysay ee dacwo nuucaan ah la horkeeno maxkamada, waxuuna sheegay in maxkamadu fiirin doonto xakun munaasib ah maadama aysan horay u dhicin dacwo tan oo kale ah.
Arintaan ayaa ka yaabisay dhamaan bulshada reer Tunis ayidoo ku noqotay arin aanan hore loo arag oo ey sabab uga dhigeen in dhalinta cusub oo badankoodu ka fogaaday dhaqanka wanaagsan ee diinta Islaamka. Xigasho: http://www.alarabiya.net/articles/2008/04/24/48805.html