Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
LIIBAAN MODERN HOSPITAL oo laga furay G/haarey


G/haarey, Somaliya (Calanka.com) 25-April-08

Isbitaal si gaar loo lee yahay oo loogu magac daray Liiban Moderen Hospital oo laga furay Caasimada G/Gedo ee G/haarey iyo Xaflad Ballaaran oo galabta Xariga looga Gooyay.

Waxaa laga furay degmada Garbaharey Isbitaal private ah taariikhdu markay ahayd 25/4/2008 ayadoo lagu taamayay ama laqorsheenayay mudo aad u dheer.


Isbitaalka waxaa furay aqoon yahano iyo ganacsato u dhalatay gobolka Gedo oo kala joogo gudaha iyo dibada dalka, kadib markay arkeen baahida caafimaad ee loo qabo isbitaal casri ah oo qalab iyo dhaqaatiirba udhanyihiin.

Furitaanka xaflada isbitaalka waxaa ka qayb galay dad aad ufarabadan oo ku nool magaalada degmada Garbahaaray, sida maamulka degmada Garbahaarey oo uu horkacayay Gudoomiyaha degmada Garbahaarey Mudane Maxamed Cabdullaahi Xaashi, odayaasha dhaqanka, ururada haweenka, dhalinyarada, aqoonyahanada iyo hay’adaha ka howlgala degmada garbaharey sida GHC iyo WHO.


Gudoomiyaha dagmada garbaharey maxamed cabdulahi xashi oo halkas ka jeediyay qodbad gaaban ayaa ku nuux nuuxsaday ahmiyada isbitaalkan uu u lee yahay bulshada gobalka iyo dhamaanba umada somaliyeed isagoo amaan u soo joodiyay dadkii ka dambeeyay furitaanka isbitaalakan.

Isbitaalka waa isbitaal private ah oo casri ah kana kooban dhamaan qaybaha kala duwan ee isbitaaladu leeyihiin, dhaqaatiirta ka howlgashana waa dhaqaatiir lasoo xulay oo laga keenay dalka dibadiisa sida Kenya iyo dalka gudihiisa, waxaana loogu talagalay isbitaalka in uu daboolo guud ahaan baahida caafimaad ee ka jirto Gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Garbahaarey iyo nawaaxigeeda.


Isbitaalka qaybihiisa kala duwan waxaa kamid ah:
1) Qaybta bukaan jiifka (Inpatient Department)
2) Qaybta bukaan socodka ( Outpatient Department)
3) Qaybta Baaritaanka oo leh dhamaan qaybaha kala duwan ee shaybaarka oo lakeenay qalab casri oo la jaan qaadayo technologyada casriga ah, taas oo uu qofku kuhelayo jawaabtiisa waqti yar oo kooban ayadoo si sax ah oo taxadar leh looga shaqeeyay.

4) Pharmacy department oo leh dhamaan dawooyinka loo baahanyahay oo dhamaystiran, sidoo kale pharmacyga waxaa lagu soo kordhiyay qaybta cosmetics ka .

5) Waxaa sidoo kale diyaar ah oo kol dhow howlgalayo Ultrasound iyo X-ray.

6) Qaybta haweenka ( Maternaty Department)

Dhaqaatiirta ka howlgasho isbitaalka waxaa kamid ah :

Doctor guud ( General Physician)
Doctor ka Caruurta
Doctorka Haweenka (Gynacologist and Obsterician)
Shaybaariiste mudo 28 sano oo khibrad ah leh
Pharmaciste takhasus u leh Dawooyinka
Matron

Kalkaaliyaal u tabaran howshooda iyo shaqaale kale oo badan oo kashaqeeyo qaybaha kala duwan ee isbitaalka kuwaas oo tabar iyo takhasusba u leh shaqadooda heegana u ah xili walbo

Ahmed mahamed urur

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]