Minnesota, USA (Calanka.com) 25-April-08 Jilaaga caanka ah Wesley Snipes ayaa maalinkii shalayto waxaa lagu xukumay sadex sano oo xarig ah kadib markii maxkamad ku taal Mareykanka ey ku eedeysay in uu jabiyay sadex qodob oo ka tirsan canshuuraha dalka Mareykanka.
Xukunka markii uu ku dhacay jilaagan ayaa waxa afkiisa kasoo baxday ereyga "Wow", sida ey sheegeen dad goob-joogayaal ah, mana laga dareemin wax wal-wal ah oo uu ka muujiyay xukunkan xariga ah ee mudada sadexda sano ah.
15-nilyan oo dollar oo canshuur ah ayaa lagu eedeynayaa Snipes in uu isdaba mariyay, waxaana qeybo ka mid ah lacagtana sheegtay maxkamada in uu u dirsaday dalka dibadiisa.
Masuul ka tirsan qeybta canshuuraha ayaa yiri "Xukunka Snipes waa mid signal u diraya dhamaan inta isdabamarisa canshuuraha dalka, waxeyna aakhirka mari doonaan jidka uu maray Wesley Snipes", ayuu CNN-ka ku yiri Nathan J. Hochman.
Qareenada jilaaga ayaa sheegay xukunka kadib in ey racfaan qaadan doonaan ey maxkamada ugu sareysa la tagi doonaan kiiskooda.
Snipes ayaa ka mid ah jilaaga loogu jecelyahay aduunka gaar ahaan Mareykanka, waxaana uu dhigay in ka badan 50-aflaam oo kuwiisa ugu caansan ey ka mid yihiin filimada «Blade» iyo «Demolition Man».